U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in shacab badan ay ka barakaceen deegaanno ku dhow deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, kadib dagaallo kusoo noqnoqday deegaannadaan in shacabka ay bilaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan.

Cabsida ugu weyn ee shacabka barakicisay ayaa ah in waxyeello ay kasoo gaarto dagaallada kusoo noqnoqday deegaannadaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah qoysaska ku dhaqan deegaanka Lambar 50 ayaa iyaguna maalmihii ugu dambeeyay halkaasi ka barakacayay.

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay Todobaadkii tagay deegaanka labmar 50 iyo deegaanno kale oo hoostaga deegaankaasi.

Goobjoog News