U bood dhigaalka

8 Maalin Kadib Jirdilkii Weriyeyaasha: Taliyihii Haramcad iyo Askartii oo Xor Ah iyo Qalab La La’yahay!

Sheeko:Amniga

Siddeed maalin ayaa laga joogaa markii ciidamo ka tirsan Haramcad ay bahdil iyo jirdil  isugu dareen weriyeyaal afar ahaa oo ka shaqeynayey warbaahinta Muqdisho.

Goobjoog News ayaa ogaaday in sarkaalkii iyo askartii falkaasi foosha xun geysatay ay weli xor yihiin, oo aaney jirin tallaabo laga qaaday, halka weriyeyaashii la jirdilay ay sheegayaan in xataa aan laga raaligelin dhacdadii, ama aan loo soo celisay qalabkii laga qaatay, taasi oo ku tusineysa xisaab la’aanta  jirta  iyo in muwaadinka lagu waxyeeleeyo magac dowladeed.

Aweys Maxamuud Jilocow, oo ah agaasimaha Five Somali TV oo ka tirsanaa weriyeyaashii sida foosha xun ay u jirdileen Haramcad ayaa Goobjoog News u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo askariga falkan ka dambeeyey.

Aweys Maxamuud  oo la socday Maxamed Baarri  oo isna Five Somali TV ayaa waxaa uu yiri “Degmada Kaxda, waxaan u tagnay in aan xog ka helno qarax xarunta degmada ka dhacay, xarunta ayaan tagnay, guddoomiyaha isma helin, dad la joogay ayaa nagu dhahay waad shaqeysan kartaan, markii aan goobta tagnay cid kale oo aan fasax ka qaasdano ma jirin, oo shaqada ayaan iska wadannay ilaa aan aragno 4 Cabdi Bile oo ciidan, markii hore kalsooni ayaa na gashay, laakin xabado ayey nagu bilaabeen,  rasaas iyo haraanti ayey nagu bilaabeen, ciidamadii oo dhan,  xataa taliyihii, jirdil ayuu noo geystay, duhur iyada oo ay tahay, oo qorrax daran jirto ayaa meel bacaad ah aan labo saac jiifnay, innaga oo xabadxabad u jiifna”

Taliyaha ma taqaan falkaas geystay mise ogaa inaad warbaahin tihiin, waxaa uu Aweys Jilicow uga jawaabay “Haa, waxaa la dhahaa Fanax, waa taliye xigeenka Haramcad, waa uu ogaa in aan saxafiyiin nahay, ileen qabakii ayaan wadanay, waxaa uu nagu yiri, warbaahinta saaka ayaan uga digay halkan, dartiin ayaan shaqada ugu soo laabtay, innaga naxariis ayaan ka raadinay, laakin diljir ayuuba noo geystay, markii ciidamadiisa na garaacayeenna waa nagu eegtay”.

Aweys, waxaa uu sheegay in ay waayeen Telefoono, Microphone, MasterCard iyo qalab kale ilaa hadana ay sugayaan, isaga oo hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in cadaaladda meel ka sokeysa aaney ku raali noqon doonin.

Maxamed Xasan Yuusuf, oo ah weriye ka tirsan Somali Cable TV, kana tirsanaa weriyeyaashii la jirdilay ayaa waxaa uu sheegayaa in booliiska ay ka beensheegeen raaligelinta, isaga oo intaa raaciyey “ Sideed maalin ayaa laga joogaa, ma jiro wax dabagal ah oo falkaas la xiriira, meesha ayaa la rabaa in lagu damiyo, booliiskana been ayey sheegeen ma jirto cid noo timid, oo na raaligelisay”. Mar aan weydiiyey sow ma xirna taliyaha iyo askartii sida booliiska sheegayaan, Yuusuf waxaa uu ku jawaabay “Intee ka xirnaanaa, Taliyihii Baladweyn ayuuba iska aadaye, ma jirin wax xiran, waa been”, isaga oo halalkiisa kusoo gabagbeeyey in weli ay ka maqan yihiin Afar Batari, wireless iyo nal.

Ismaaciil Maxamed Muuse, oo ah Cameraman ay Maxamed Yuusuf iskala shaqeeyaan  Somali Cable TV, kana tirsanaa weriyeyaashii 4-ta ahaa ee Haramcad ay jirdileen ayaa isna Goobjoog News u sheegay “ Soomaaliya kama jirto wax cadaalad ah, ilaa iyo hadda cid wax i weydiisay ma jirto” isaga oo dalbaday in saxafayiinta Soomaaliyeed iyo cid weliba ay gacan ka geysato sidii kiiskan loo dhaqaajin lahaa, waxaa uuna hadalkiisa kusoo afjaray “Garab ayaan rabnaa si kiiskan loo dhaqaajiyo, si waxa nagu dhacay aaney weriye dambe ugu dhicin, waa in loo midoobo”.

Saxaafadda Soomaaliya ayaa iska diiday falkan waxashnimada ah ee Haramcad iyada oo dhammaan hey’adaha udooda xuquuqda saxafiyiinta sida SJS ay cambaareeyeen, dalbadeenna in askartaasi la maxkamadeeyo.

Goobjoog News