8 Murashax Oo Jowhar Ku Soo Bandhigaya Barnaamijkooda, Akhriso Magacyada
Sheeko:Dalka
Waxaa maanta magaalada Jowhar ka bilaabanaya khudbadaha murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada maamulka Hirshabeelle.
Illaa 8 murashax ayaa u tartamaya jagada u tartamaya, waxaana maanta la dhageysan doonaa khudabahooda oo ay ku jiraan Barnaamijka doorasho iyo Taariikh Nololeedkooda.
Murashaxiinta ayaa kala ah:
- Yusuf Hagar Daba-geed
- Cabdi Faarax Laqanyo
- Daahir Cabdulle
- Maxamed Cabdi Waare
- Cabdinasir Shirwac Maxamed
- Maxamed Caruush
- Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
- Cabdikarim Cali Nuur
Hadaba, Halkan kala soco, arrimaha fadhiga ka soo baxa.
Goobjoog News