8 Qodob Oo Baarlamaanka Federaalka Laga Sugayo In uu Ku Ansixiyo Go’aanka Doorashada 2016-ka

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid  ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago baarlamaanka federaalka si uu uga gado xildhibaanada go’aankii madasha qaran ee ku aadanaa sida ay u dhacesyo doorashada 2016-ka, Laakiin waxaa muhiim ah in xildhibaannada ay la socdaan qodobada ay tahay in la badalo inta aanay ansixin.

Qodobbada Baddalka U Baahan:

Baa’binta Guddiga Doorasho: Madasha qaran waxaa ay meesha ka sareen guddi dastuuri ah oo madaxbanaan, iyagoo sameeyay laba guddi, mid qaran oo ka kooban 17 iyo mid heer gobol oo isna ka kooban 11, midka hore dowladda federaalka ayaa ku awood badan halka kan dambe awoodda la siiyay dowlad goboleedyada, doorashada, xulista iyo wax walbo dadkan ayaa mas’uul looga dhigay taas oo sharci darro ah.

Dalka waxaa uu leeyahay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka  oo ay guddoomiye ka tahay Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), Waxaa kaloo ku jira Sayid Cali Sheekh, Xuseen Cabdi Aden, Maxamed Dahir Maxamud, Cabdiraxman Cusmaan Dirir, Maxamed Xasan Tani, Maxamed Axmed Nur, Khadijo Cosoble Cali, Saciid Xaashi Warsame… Kooxdan kaligood ha shaqeeyeen ama dad kale halagu daro, waa in ay mas’uul ka noqdaan dhammaan doorashada dalka 2016-ka, sida xulista, saxiixa, qabashada doorashada iyo ku dhawaaqista natiijada.

Madasha Qaran iyo Saxiixa:  Madaxweyneyaasha waxaa la siiyay in ay leeyihiin Saxiixa ugu dambeeya, kooxdan saxiixa la siiyay waxaa ku jira han siyaasadeed, tartan iyo xulufeysi, waxaa uu loolan kala dhaxeeyaa dadka tartanka ku jira, waxaa hubaal ah in laga heli karo gobolkaas dad ka firkad duwan madaxweynaha ama xitaa ka karti badan.

Si loo helo hufnaan, Cadaalad, doorasho dimoqoraadi ah, waxaa haboon in saxiixan la siiyo Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka  ee Xaliimo Yarey, guddigaas ayaa xaq u leh in ay saxiixaan dadka matalaya qaran iyo deegaan markii ay buuxiyaan shuruudaha loo baahan yahay.

Magacaabista Aqalka Sare: Waxaa ay dhibaato ka jirtaa aqalka sare, waxaa u qoran in golaha fulinta maamul goboleedyada ay soo gudbinayaan labo qof si midkood baarlamaanka gobolkaas uga doorto, arrinkaas oo shaki galineysa qiimaha aqalka sare, waa aqal qaran laakiin dadkaas waxaa ay u shaqeyn doonaan sida gole deegaan, waxaana ku adeegan doono maamul goboleedka keensaday.

Fikrad kale oo waxaa jirta ku talineysa in aqalka sare meesha laga saaro, aqalkan sida ku qoran qodobadda 71-78 ee dastuurka KMG ah, waxaa uu leeyahay awoodo sida dalka in uu galiyo xaalad degdeg ah, in uu casilo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, lama kala diri karo, waxaa ay leeyihiin xasaanad, waxaa ay magacaabayaan guddi badan…golahan sidaa u qiimaha badan, ma diyaarsana sharciyadiisa iyo qaabkii uu u shaqeyn lahaa, waxaa intaa dheer aqalka sare kama jiro dowladaha ka soo baxay dagaallada sokeeye ama qabyaaladda ay ka jirto.

Haweenka iyo Aqalka Hoose: 50 qof ee Xildhibaanka soo xulaya waxaa la sheegay in lagu daro 30% haween ah, arrintaas micnaheeda ma aha in haweenka la doorto, haweenka waxaa loo sheegay in sanadkan ay baarlamaanka ama aqalka hoose ku lahaan doonaan 30%, halkee qodobkaas lagu qoray, yaase dammaanad qaadaya.

Haweenka qaranka waxaa ay sheegeen in ay sameeyeen labo guddi oo mid Marjac yahay iyagoo la kulmay  guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’isul wasaaraha dalka, una sheegay in baarlamaanka uu qodob ka dhigo in ay qasab tahay sanadkan in haweenka helaan 30% ee aqalka hoose iyo midka sare.

Maqaamka Muqdisho: Doorashada sanadkan 2016-ka, waxaa hoos loo dhigay Muqdisho iyo maqaamkeeda, xitaa dadka deggan oo ilaa 2 Milyan lagu qiyaaso, lama siin wax mudnaan ah, sidaa darteed Baarlamaanka federaalka waxaa looga fadhiyaa in ay soo celiyaan sharaftii iyo qiimihii Muqdisho, isla markaana dadkeeda la siiyo matalaad rasmi ah oo labada aqal ah.

Dhalinyarada: Doorashada sanadkan 2016-ka, ma cadda sida dhalinyarada kaalin uga yeelan  karaan, waxaa la sheegay in dhalinyarada lagu daro 50-ka qof ee Xildhibaanka soo xulaya, Laakin lama sheegin tirada ay ka yihiin iyo xitaa sida dhalinyarada ugu biiri karaan Baarlamaanka dalka ee 2016-ka.

Baarlamaanka waxaa la gudboon in ay qodob ka dhigaan in dhalinyarada lagu soo daro aqalka hoose iyo xukuumadda, weliba la siiyo nisbo go’an oo la leeyahay tusaale ahaa Baarlamaanka tiro intaa la leg waa in ay ka yaraadaan 35 sano.

Doorashooyinka In Muqdisho Lagu Qabto: Iyadoo la fiirinayo ammaanka dalka ka jira, dhaqaalo xumida dowladda  waxaa jira dad soo jeedinaya in doorashooyinka dhammaan ay ka dhacaan Caasimadda Muqdisho, arrinkaas waxaa ay sahli doontaa in sidoo kale ay yaraadaan musuq iyo wax isdaba maris.

13,750: Baarlamaanka qodobada uu soo saarayo waa in lagu daro sharci sheegaya in ay aheyd in la qabto 2016-ka doorasho “Qof iyo Codkiisa ah”, laakin qaabkan cusub la qaatay kadib markii dowladda ay ku guuldareysatay in ay dhacdo doorasho xor ah oo dadka ay codkooda dhiibtaan, tani waxaa ay meesha ka saareysaa in xukuumadda hadda jirta ay ku soo suuq gasho ama ku faanto nidaamka doorasho ee dalka ka dhacaya 2016-ka.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW