U bood dhigaalka

8 Qodob Oo Ku Cusub Sharciga Liiltirka Siyaasiyiinta Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Sharciga Liiltirka waa sharci lagu daryeellayo lacag dhigaal looguna abuurayo siyaasiyiinta dalka ee aan dib loo soo dooran.

Sharcigan ayaa waxaa soo diyaariyey Guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka, taas oo la macno ah haddii Xildhibaan ama mas’uul kale oo hadda xil ka haya dowladda uu soo geliwaayo saaxada siyaasadda ee isbedelka laga filayo sanadkan aynu ku jirno, uu helayo lacago dhigaal ah oo inta ay noqoneyso sharciga lagu xusayo.

Haddaba sharciga xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha siyaasiyiinta dowladda Federaalka ayaa akhrintiisii Koowaad la mariyay 25-kii Janaayo ee sanadkaan 2016-ka, iyadoo akhrintiisii Labaadna uu maray 6-dii bishan Febraayo 2016.

Sharcigan ayaa lagu soo daray qodobo cusub Sabtiidii aan soo dhaafnay, ee 6-dii bishan Febraayo,  xildhibaannada la hor keenay talo soo jeedin cusub oo ay soo diyaariyeen guddiga xeer hoosaadka Baarlaamka, taas oo ka kooban 8 qodob oo cadeyneysa xuquuqda iyo deeqaha Xildhibaanada aan dib loo soo dooran.

Xuquuqda & Deeqaha Xildhibaanada Labada Gole Ee Baarlamaanka Federaalka oo aan dib loosoo dooran

-In loo sameeyo aqoonsi baarlamaan ama ID oo aan waqtiyeysnayn, haddii aan dib loo soo dooran.

-Wuxuu yeelanayaa Baasaboor Diblomat ah.

-Golaha Baarlamaanka cusub meesha dadwaynaha loogu tala galay waa in laga siiyo meel ay fadhiistaan oo u gaar ah,xubnaha aan dib loosoo dooran.

-Gaadiidka Dhulka,Cirka, iyo Badda ee qaranku leeyahay waa in loo sameeyo qarash dhimid boqolkiiba soddon (30%) ah oo ay ku raaci karaan.

-Haddii duruuf adag ku timaaddo oo la xiriirta caafimaad,musiibo iyo wixii la xariira waa in qaranku xil iska saaro.

-Haddii uu geeriyoodo waa in loo sameeyo aas qaran, xabaalaha qarankana lagu aaso ,qarashka duugtana qaranku uu bixiyo.

-Xuquuqda dhaqaale ee uu ku yeelanayo sharciga waxaa la siinayaa dhaxaltooyadiisa.

-Waa in miisaaniyadda qaranka lagu daraa qoondo lagu fulinayo qarashaadka kor ku xusan

Goobjoog News