U bood dhigaalka

8 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Buulo-burde, Hiiraan

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhow.

Cabdi Daahir Guure oo ah guddoomiyaha Buulo-burde oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in 8 qof cudurkaasi ugu geeriyoodeen isbitaalka magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay Guure in sidoo kale ay jiraan dad kale oo iyaguna cudurkaan ugu dhintey deegaannada ku dhow Buul-burde, hase ahaatee aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la egyihiin dadkaasi.

“Xarumo caafimaad oo waaweyn maleh halkaan, 8 qof ayaa dhimtaya, sidoo kale dad kale ayaa dhintay balse tiro-koob rasmi ah ma aynu hayno” ayuu yiri guddoomiyaha Buulo-burde.

Ugu dambeyn, Cabdi Daahir Guure ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samofalka ah in gurmad caafimaad oo degdeg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan degmada Buulo-burde.

Goobjoog News