U bood dhigaalka

8 Sano Jir Soomaaali Ah Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Sweden

Sheeko:Dalka

Wiil Soomaali ah islamarkaana da’diisa lagu sheegay 8 sano ayaa ku geeriyootay qarax Bam oo lagu tuuray hoygooda oo ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Dad aan la garan ayaa Bamkan ku tuuray hoyga qoys Soomaaaliyeed oo ku yaalla magaaladaasi, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidanka Booliiska.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameyn doonaan cidda Bamkaan ku tuurtay gurigan,  islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.

Dadka ku dhaqan nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku hayso muran horay qoyskaan iyo qoys kale oo Sweden ah ku dhexmaray magaaladaasi, taasi oo horay u sababtay in la xiro qoyska Soomaaaliyeed.

Weli Booliiska ma aanay caddeyn in qaraxan ay ka dambeeyaan qoyskii la dagaalsanaa qoyska Soomaaaliyeed balse waxaa socda baaritaanno arrintaasi ku aadan.

Goobjoog News