U bood dhigaalka

8-Tillaabo oo laga Sugayo Guddoomiya Banaadir iyo Duqa Muqdisho Sheekh Yusuf Jimcaale!!

Sheeko:Dalka

Sida Caalamka ka dhacdo, shakhsiga  loo dhiibayo xilka duqa magaalada iyo goddoomiyaha gobolka waxaa in uu horay uga soo shaqeeyaa Laan, waax, degmo kadib gobolka, Lakin Soomaaliya arrintaas kama dhacdo!

Muqdisho waxaa la sheegaa in ay ka kooban tahay 17 degmo, 75 Waax, 326 Laan, 2.156 Daris iyo 109.405 guri, tirada intaa way ka badan karaan ama ka yaraan kartaa, Lakin waxaa hubaal in Sheekh Yusuf aanu aqoon hore u laheyn shaxdaas iyo sida ay u shaqeeyaan intaba!!

Guddoomiyaha cusub Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale aqoontiisa waa Daraasaadka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda(American Open University in Cairo), waxaa kaloo uu leeyay khibrad yar oo xagga shaqada Xisbiga ah isagoo ka soo shaqeeyay xibsiga madaxweynaha  ee Peace and Development Party(PDP)  uu ka noqday xoghayaha arrimaha gudaha iyo xariirka caalamiga.

Sheekh Yusuf Jimcaale waxaa muhiim ah in uu ogyahay waxa ay qabteen dhamaan guddoomiyaashii ka horeeyay tusaale ahaan Muungaab oo ahaa ninkii isaga jagadan uga horeeyay oo ka hadlayey goobta uu xilka ku wareejiyay ayaa sheegay in uu qabtay dhowr arin sida: nalalka cadceedda ku shaqeeya, cashuur qaadista guryaha, bilicda Muqdisho, mashruuca hanti  isu celinta uu sheegay 160 guri uu ku celiyay gacanta dadkii iska lahaa, Waxaa kaloo uu sheegay in uu wax ka qabtay nadaafadda iyo amaanka isagoo kula taliyay in ciidamada booliiska iyo Nabad sugidda la hoos keeno gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada taasi oo keeni karta in amaanka wax laga qabto!!

Hadaba Liiskan hoose waa Tillaabooyinka laga Sugayo Guddoomiya iyo Duqa Cusub ee Muqdisho Sheekh Yusuf Jimcaale:

Dooro La Taliyaal Aqoon u Leh Shaqada Gobolka: Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waxaa haboon in La taliyaal ka dhigto dad khibrad u leh shaqada gobolkan Banaadir, in uu la taliyaal ka dhigto dad aqoon fiican u leh sugidda amniga, soo xareynta dhaqaalaha, dad yaqaano xeerarka iyo sharciga iyo dhamaan waxbo oo loo baahan yahay in lagu maamulo gobolka banaadir.

Diyaarinta Maqaamka Muqdisho: Waxaa la hadal hayaa in Muqdisho loo diyaarinayo maqaam, si taasi u dhacdo, Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waa in uu diyaariyaa Waddadii arrinkaas lagu gaari lahaa, waa in Muqdisho la wada maamulaa, Tusaale ahaan waa in aan aragno dhamaan beelaha Soomaaliyeed oo si quman u maamulaya  degmooyinka Muqdisho taasi oo soo dadajin karta in Somaliweyn  dareemaan maqaamka Muqdisho, haddii dadka iska dhex arkaan waxaa imaneysa in magaalada Muqdisho loo arko Caasimad Soomaaliya oo dhan ka dhaxeysa!!

Ka Madax Banaashiyaha Xisbiga: Waxaan ognahay in Sheekh Yusuf  Jimcaale uu ahaa xoghayaha arrimaha gudaha iyo xariirka caalamiga xisbiga Peace and Development Party(PDP) isla markaana uu daacad u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, in xisbiga uu ka baxo macquul ma aha, lakin waa mihiim ah in xafiisyada aanay isku midab noqon!  waa in la raadiyaa qof kasta oo gobolkan hor-umarin kara ha ahaado PDP ama shacabka kale, waa in aanan albaabada laga xiran umadda aan ka mid aheyd xisbiga Madaxweynaha ee PDP!!

Isku Shaandheynta Shaqaalaha Caasimadda: Waxaa jirto sheeko qosol badan oo lagu yaqaano cid walbo oo xafiis Soomaaliya ka qabata, dadka la shaqeynaya waa in beeshiisa ahaadaan ama ay isku dal Jaamacad ka soo wada baxeen taasi horay ayaan u soo aragnay, meelo badan oo gobolkan Banaadir uu jiro waan ku aragnay waxaan filayaa in arrinkaas la iska ilaaliyo haddii kale waxa qormaya waa taariikh!!

Xallinta Muranka Dhulalka: Dhibaatada ugu badan ee gobolkan Banaadir ka jirto waa dhulalka, wixii ka dambeeyay 1991kii waxaa caasimadda ka jiray fowdo dhuleed, Muungaab waxaa uu sheegay in mashruuca hanti  isu celinta uu wax ka bilaabay, 160 guri ayuu  ku celiyay gacanta dadkii iska lahaa lakin dhibaatada intaa waa ay ka badan tahay, sidaa darteed arinkaas waa in si gaar ah wax looga qabto!

Ka Hortagga Musiibooyinka: Dhibaatada Muqdisho ka jirta waxaa ugu badan amniga, hay’adaha amniga waxaa ay yimaadaan inta badan qaraxyada ama dilalka kadib, waa in caasimadda loo sameeyo sirdoon adag si wax looga qabto dhibaatooyinka soo noqnoqda, sidoo kale waa in ay jirtaa hay’ado ka hortaga dhibaatooyinka cimillada, Badda, Wasaqda iyo dhamaan Musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa aan dabiiciga aheyn, sidoo kale baarlamaanka waa in uu dhameystiraa ansixinta Dhismaha Ha’yadda Maareynta Musiibooyinka!!

Muqdisho Maalgashi ayey rabtaa: Magaaladan waxaa ay u baahan tahay maalgelin culus, sugidda amniga iyo wanaajinta howlaha gobolka waxaa ay horseedi kartaa in dadka ku soo dhiiradaan maalgashi, waxaa kaloo layaab leh in xildhibaanada laga sugayo Sharciga Maal gashiga shisheeye oo June 19, 2013, Kulanka 37aad, Akhrinta 2aad maray!!

Soo Nooleyntii Adeegyada Buslahada: ugu dambeyn guddoomiye gobol iyo duq magaalo waxaa lagu qiimeeyaa shaqada uu ka qabto magaalada iyo soo nooleynta adeegyadeeda, isweydii wax aad ku soo kordhin karto adeegyada magaalada Muqdisho oo nin kasta oo magaalada madax ka noqdo uu sheego in uu ka bilaabayo meel Ebber ah!!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Email: [email protected]