U bood dhigaalka

In Ka Badan 80 Oo Ku Dhimatay Qaraxyo Ka Dhacay Baqdaad

Sheeko:Dalka

In ka badan 80 qof ayaa ku dhintay halka 200 ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xaafadda Karaada ee bartamaha magaalada Baqdaad.

Weerarkan oo Daacish sheegatay mas’uuliyadiisa waxaa sidoo kale ku burburay guryo iyo deegaanno meesha ka agdhawaa.

Ciidamada Ammaanka ayaa hareereeyay goobta, waxaana la sheegayaa in baaritaan uu socdo.

Qaraxyadan ayaa ku beegmay xilli dadka Baqdaad ay isku diyaarinayaan ciidda, waxaana la sheegayaa in waddada uu qaraxa ka dhacay ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Goobjoog News