U bood dhigaalka

Masar: Internet-ka Oo 6 Maalin Maqnaan-doona

Shirkadda isgaarsiinta Masar(Telecom Egypt), oo ah shirkadda ugu weyn landline-ka  ee Afrika iyo Bariga dhexe ayaa sheegtay maanta oo talaado ah inay jirto cillad guud  oo saameysay Internetka Masar iyo qaar ka mida dowladaha deriska la ah.

Shirkadda oo war-murtiyeed ku soo qortay bogga ay ku leedahay Facebook-ga ayaa tiri “ Waxaan rajeyneynaa in si dhameystiran loo soo celiyo adeegga si guud maalamaha yare e soo socda”  sida ay sheegtay wakaaladda Reuters.

Dadka ree Masar ayaa waxay ka cabanayaan xawaare la’aanta dhanka Internetka ah, sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada dalka oo ay ka mid yihiin TE Data iyo LINKdotNET ayaa iyagana ka cabanaya Internet la’aanta.

Macaamiisha isticmaasha adeegga Internetka ee ku sugan gudaha Masar ayaa waxay gaareen dhamaadkii bishii September 2017 ku dhawaad 3.8 Million oo qof.

 

Goobjoog News