U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Hadlaya Isbadallada Hoggaanka Ciidanka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe dib loogu habeynayo ciidamada xoogga dalka si ay ugu diyaar garoobaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka gaashaadhigga xukuumadda Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in is badal lagu sameeyay hoggaannnada kala duwan ee ciidamada xoogga dalka kuwaas oo markii hore ahaa 23 balse hadda laga dhigay oo kaliya 13 hoggaan.

Wasiir Mursal Sheikh ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka xoogga lagu soo biiriyey dhallinyaro Saraakiil  ah, kuwaas oo shantii sano ee ugu dambeeyay wax ku soo bartay dalka dibaddiisa waxa uuna yiri.

“Waxaa is bedel lagu sameeyay hoggaannada xoogga dalka Soomaaliyeed, hoggaanka hoggaannada oo tiradooda ka koobnaa markii hore 23 ayaa hadda waxaa laga dhigay 13, tan kale waxaa lagu soo biiriyey dhallinyaro da’yar oo saraakiil ah oo shantii sano ee ugu dambeeyay dibadda wax ku soo bartay, si ay uga mid noqdaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee hoggaanka ciidamada qalabka sida”.

Hadalka wasiirka gaashaadhigga xukuumadda Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli uu madaxweynaha uu u guuray wasaaradda gaashaadhigga si uu u dhiiro-geliyo ciidamada xoogga dalka iyo I uu la socdo xaaladahooda.

Goobjoog News