Labo qof oo Soomaali ah ayaa siyaabo Kala duwan loogu dilay Magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta lagu dilay muwaadiniintaan Soomaaliyeed balse laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa wada baritaanno la xiriira dilka loo geystay labada qof.
Magaalada Cape Town waxaa goobtiisa ganacsi lagu dilay Xuseen Abuukar Warsame,xilli dableey hubeysan ay goobtiisa ganacsi Ku weerareen.
Goob joogayaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ayaa Goobjoog  News u sheegay in dableyda weerarka geysatay ay isku e keysiiyeen dad dukaanka ka adeeganaya ka dibna ay la beegsadeen rasaas  marxuumka iyaga oo dilka ka dib dhac u geystay dukaanka
Sidoo kale dhacdo midaan la mid ah ayaa xalay ka dhacday xaafadda Tembisa ee hoos timaado magalada Johannesburg waxaana dil loogu gesytay wiil dhallinyaro ah oo lagu maga caabi jiray Axmed Cabdulqaadir.
Goobjoog News