U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Kenya

Sheeko:Dalka

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegtay in 9 qof ay dhinteen, halka 20 kalena ay  dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen gaari Xamuul ah iyo mid dadweyne shilkaas oo ka dhacay subaxnimadii hore ee saakay waddo ciriiri ah oo marta Koonfur Bari caasimadda Kenya eeNairobi.

Telefishinka NTV ayaa sheegay in dhacdadaan ay sababtay in uu dab kaco islamarkaasna ay gubtaan Labadii gaari ee isku dhacay, shilkan ayaa ka dhacay meello u dhow magaalada Emali oo 125 KM waqooyi bari kaga beegan  Nairobi.

Joornaalka Daily Nation ayaa sheegay in dadka ay waxyeelladu soo gaartay loo qaaday goor dhow Isbitaalka.

Maxamed Maalin oo ah wakiilka gobolka Makueni ayaa sheegay in dhimasho ay dhacday isaga oo tilmaamay in dadka waxyeelladu soo gaartay  loo qaaday guriga Kalkaalinimada ee Kilome si loo daweeyo.

Maalim ayaa yiri “ Waxaa isku dhacay labo baabuur ka dibna waxaa kacay dab” .waxaa uu ku tilmaamay shilkan mid aad u xun.

Mas’uulka ayaa sheegay in buska uu ku jeeday magaalo xeebeedka Mombasa ayna saarnaayeen 39 qof oo rakaab ah markii ay ku dhacday dhibaatadaan.

Tiro koobyadii ugu dambeeyay oo lagu faafiyay bogga hay’adda Caafimaadka aduunka ayaa tilmaamaya in shilalka waddooyinka ay keentay dhimashada 3kun-13 kun oo Kenyan ah sanadkii.

Goobjoog News