U bood dhigaalka

9 Qof Oo Ku Geeriyootey Shil Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Ee NFD

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari, kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Gaari Bas ah oo ka yimid magaalada Nairobi ayaa ku dhacay gaari Booyad ah oo isna magaalada Gaarisa ka baxayey.

Inta la xaqiijiyey 9 qof ayaa ku geeriyootey, waxaana ku dhaawacmay In ka badan 20 kale.

Dadka dhintey waxaa ku jira hooyo iyo Seddex caruur ah oo ay dhashay, sida uu xaqiijiyey mas’uul ka tirsan maamulka Gaarisa oo warbaahinta la hadlay.

Lama soo sheegin weli in dadka dhintay ay Soomaali ku jiraan, balse waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdeg ah oo qaaday dadkii dhaawaca ahaa.

Goobjoog News