U bood dhigaalka

9 sano ka dib: Casharradii laga bartay weerarkii suuqa Westgate

Sheeko:Dalka

Sagaal sano ayaa ka soo wareegatay kadib markii xubna ka tirsan ururka alshabaab ay weerar maalmo qaatay, ay ka fuliyeen suuqa Westgate ee magaalada Niarobi.

In ka badan 67 qof ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen, halka tiro kale oo intaas ka badan uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sagaal sano kadib, waxaa weli dhibaatooyin la tacaalaya dadkii ka badbaaday qaraxa, oo waxyeello maskaxeed iyo mid jireedba ay soo gaartay.

Warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee xilligaas ayaa tilmaantay in qorshaynta weerarka  uu soo billowday labo sano ka hor sannadkii 2011-kii, xilligaasoo Geeska Afrika ay la dagaallameen abaaro iyo qaxooti badan oo u qaxay xeryaha dalka Kenya.

Weerarka ayaa bilabmay 21-kii September sanadkii 2013-kii markaas oo ay Shabaab gudaha u galeen dhismaha suuqa oo ay muddo ka dhex dagaalamayeen.

Warbixin la soo saaray ayaa muujisa in kooxda weerarka geesatay ay abaabulkooda ka wadeen xeryaha qaxootiga Kakuma iyo magaalada caasimadda ah ee Niarobi, Dambi-baarayaasha ayaa markii dambe ogaaday in siddeed khad oo taleefoonnada gacanta ah oo si toos ah loola xiriirinayey weerarka ay ka diiwaan gashan yihiin magaalada Nairobi oo maalmo loo beddelay weerarka.

Faahfaahinta ayaa daboolka laga qaaday ku dhawaad ​​toban sano ka dib markii mas’uuliyiintu ay go’aansadeen in la xayiro warbixinta illaa Sebtembar 2021.

Weerarka ayaa waxaa sii caawiyay baraha bulshada iyadoo warbixintu ay muujineyso in kooxaha weerarka geystay ay isticmaaleen qadad ay iskula xiriiraan .

Waxaa warbaahinta lala wadaagay toddobaadkan iyadoo dalku uu xusayo sagaal sano guuradii ka soo wareegtay weerarka.

Dhammaan saddexdii nin ee weerarka geystay oo u adeegsaday qoryo iyo bam-gacmeedyo si ay gudaha ugu galaan oo go’doomiyeen suuqa ganacsiga ee Westgate Mall ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ayaa lagu dilay weerarka, sida lagu sheegay war ay horay u soo saareen ciidamada Kenya.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay,  todobaadyo un ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu bilaabay xilkiisa madaxweynaha cusub ee xilligaasi cusbaa ee xilligaas.

Kenya ayaa sagaal sano u dabaal-dagtay markii uu weerarkaas dhacay madaxweynaha cusub, William Ruto, kaasoo qirtay in waddanku uu wajahayo dhibaato amni oo la mid ah kii hore.

Laakiin waxaa jiray casharro laga bartay, oo ay ku jiraan kor u qaadista ilaalinta khataraha argagixisanimada, sharciyo adag oo ku saabsan diiwaangelinta khadadka taleefanka gacanta iyo guud ahaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexmarta hay’adaha ammaanka, sida laga arkay weerarkii Dusit ee Nairobi bishii Janaayo 2019, markaasoo ciidamada ammaanku soo afjareen go’doomin tan la mid ah.

Weerarka Westgate oo socotay muddo afar maalmood ah ayaa si weyn loo dhaliilay, taasoo keentay in madaxweyne Kenyatta uu ballan qaado baaritaan rasmi ah oo ku aaddan weerarka.

Sebtembar 6, 2013, kooxda weerarka geysatay ayaa garaash ku yaalla magaalada Nairobi ka soo iibsaday gaari noociisu yahay ‘Mitsubishi Lancer KAS 575X’ kaas oo loo isticmaali jiray in lagu sameeyo dabagal,  iyo in lagu ogaado waddooyinka sahlan ee suuqa laga soo galo.

Dejinta qorshuhu ma joogsan ilaa maalintii ugu dambaysay, iyadoo caddayntu ay muujinayso in mid ka mid ah qorsheyayaasha Nairobi ku sugan uu xitaa farriin qoraal ah u diray saaxiibkiis oo jooga Soomaaliya si uu u xaqiijiyo in weerarku weli socdo maalintii labaad ee go’doominta, sida lagu sheegay bayaanka.

“Alxamdulillah, waxaan ka soo baxay Westgate anigoo qaxwa wata, rasaastuna way bilaabatay. Alhamdulillah.”, farriintaan ayaa lagu sheegay in mid kamid ah kooxda weerarka geysatay uu u gudbiyay saaxiibkiis oo ku sugan Soomaaliya.

Todobo sano kadib Oktoobar 7, 2020, Mohammed Ahmed Abdi iyo Hussein Hassan Mustafa, ayaa lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen iyo inay galeen falal argagixisanimo iyo inay caawiyaan koox argagixiso ah. Kadib waxaa lagu xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah.

Eedeysanaha 3-aad oo lagu magacaabo Liibaan C/llaahi oo ah Qaxooti Soomaali ah, ayaa lagu waayay dambigii lagu soo oogay oo ahaa inuu si sharci-darro ah ku joogay Kenya iyo inuu si been abuur ah u haystay warqado aqoonsi.

Si kastaba ha ahaatee, mar dambe, waxaa afduubay dabley aan la aqoonsan ka dib markii uu ka soo baxay Xarunta Booliska La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ee Nairobi halkaas oo uu u aaday siidaynta.

Xaakimka maxkamada sare Francis Andayi, ayaa xukunkiisa ku sheegay in uu dambiga ku waayay eedeysanaha cadeymo la’aan, Waxa uu ku micneeyay garsoorka  in inkastoo Cumar uu taleefoonkiisa la wadaagay walaalkiis (Axmed Xasan Abuukar oo lagu helay dambiga), haddana uusan ka warqabin in walaalkiis uu ku biiray kooxda  Shabaab.

Wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate, Kenya waxay la kulanta  khasaare kale oo culus bisha Abriil 2015, ka dib markii rag hubaysan oo Shabaab ah ay weerareen Jaamacadda Gaarisa, halkaas oo ay ku dileen 144 qof oo u badnaa arday.

Laakin hay’adaha ammaanka ayaa wixii markaas ka dambeeyay fashiliyay tiro weeraro kale ah oo uu ka mid yahay dhacdadii 2014-kii ka dhacday magaalada Mombasa oo gaari la soo iibiyay lagana soo buuxiyay laba dhululubada TNT oo ay booliisku qabteen. Bambaanooyinka ayaa lagu xiray meelo fogfog, waxaana booliisku ay sidoo kale qabteen hub badan oo ay ku jiraan AK-47, 270 xabo oo rasaas ah, lix bam-gacmeed, shan joornaal iyo afar qarax.

Warbixintu waxay xustay in weerarku uu ahaa mid aan la filayn, khaladkaas oo keenay in si weyn isha loogu hayo u diyaar-garowga amniga dalka, isla markaana sababay in xilalka laga qaado madaxda sare ee hay’adaha ammaanka.

Waxa kale oo ay horseedday in la ansixiyo Xeerarka Amniga (wax ka beddelka) Xeerka 2014 iyo samaynta Guddi Hawleed oo Hay’addo Badan ah (MAT).

Sikastaba Weeraro kale oo badan oo argagixisanimo ayaa lagu fashiliyay gudaha iyo xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Nairobi wali laga feejigan yahay weeraro aargoosi ah.

Goobjoog News