U bood dhigaalka

9 Xeelad Oo Kenyaanku Adeegsadeen Si Dib Loogu Dhigo Kiiska Muranka Badda!!

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa la timid xeelado kala duwan, oo lagu marin habaabinayo kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyaga oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwada badda.

Haddaba, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, diblomaasiyiin, sharci-yaqaano iyo aqoonyahan kale ayaan halkan ku soo koobi-doonnaa xeeladaha ay Kenyaanku adeegsadaan.

1. In aaney ICJ Go’aan Gaarin: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwaddu geysay ICJ 5 sano ka hor, waxaa uu codsigoodu ahaa in maxkamaddaasi aaney qaadin dacwaddan muranka badda, laakin waa lagu diiday, waa tii maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

2. Cillado Raadis: Kenya waxaa kale oo ay ku guuldareysatay in cilado ku hesho kiiska Soomaaliya, waxaa ka mid ah MOU oo in badan wadwadey, laakin la ogaaday in dal 3aad oo ah Norway uu qorshuhu lahaa, oo Soomaaliya ku qasbaneyd, waxaa laga diiday in goobta muranka ay roondo ku sameyn jirtay ama maamuli jiray iyo khariidado kale oo been abuur ahaa.

3. Dib-u-dhigista Dhageysiga Kiiska:   Iyada oo 5 maalin uun ka harsan tahay dhageysiga dacwada ayey Kenya qaaday tallaabo waali ah kadib markii ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhiso dhageysiga dacwadda, in kasta oo Soomaaliya diiday dib u dhigista dhageysiga laakin qorshaha Kenya waa in ay kala dirto qareenadeeda, oo xataa haddii ay maxkamadda wax dhageysato ay hal dhinac dhageysato.

Laakin Abuukaate Axmed Kheyre oo arrintaas aan kala hadlay waxaa uu sheegayaa in haddii qareenada Kenya ay iman waayaan ICJ ay Soomaaliya u furan tahay iney codsato, oo weliba dhahaan“noo xukmi”, maxkamduna ICJ-na ay sidaasi sameyn karto, oo aan loo xayirnaaneyn qof ama dal goobta ka maqan.

4. Cadaadis Diblomaasiyadeed: Kenya sanadihii ugu dambeeyey waxaa ay wadey cadaadis nooc walbo ah, dhanka safarada, duulimaadyada, safiiro la kala qaatay iyo iney Kenyaanu la kulmeen madax badan oo Afrikaan iyo carab ah si Villa Somalia loogu cadaadiyo in muranka badda lagu dhammeeyo qaab wada hadal ah, oo ka fog maxkamado iyo isjiid-jiid, taasi oo Soomaaliya mar walbo diidaneyd.

5. Beena-buur: Bishii July ee sanadkan, Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa gal-dacwadeedka kala dhaxeeya Soomaaliya ku tilmaamtay “mid daciif ah” kadib markii la waydiiyey in uu yahay mid “xoog badan”, “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay haysato dacwad xoog badan. Balse annaga waxaan haysanaa kiis dhan kasta ka xoogan balse ma doonaya in aan ka hor-dhaco go’aanka maxkamada,” ayay tiri.

6. Hanjabaad: Kenya waxaa miiska u saaran mooshin lagu amrayo ciidamada Kenya iney tagaan furinta iyo xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, dabcan waxaa ku jira goobaha uu muranka ku jiro, si taasi looga jawaabo waxaa jiro xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Cumar Dhalxa oo olole ugu jira mooshin kale oo ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya, ciidamada xoogga dalkana ay ku tagaan xadka.

7. In Wada hadal Xal Lagu Gaaro:  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu dhiggiisa Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo marar badan ka codsaday in wada hadal ku dhammeeyaan kiiska badda, intaas kuma ekaane waxaa uu la kaashaday Abiy Axmed iyo madax kale, laakin waxaa muuqato in Farmaajo aanu u babac dhigi karin cadaadiska shacabka Soomaaliyeed, oo ah daraf ilaa daraf cod qura ku leh “Hal Taako Kama Tanaasuleyno”.

8. Iney Afrika Dhexgasho:  Kenya dhinac kale ayey hadda soo martay, oo shalay waxaa ay codsi hordhigtay golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyada oo codsatay iney Afrikaanka dhexgalaan, isla markaana ay qeyb ka noqdaan kiiska muranka Soomaaliya iyo Kenya, Soomaaliya oo uu shirka u matalayey wasiir dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr, sida uu wasiirka ii sheegay waxaa ay ku celisay in 5 sano ay dacwo taalo maxkamadda ICJ, isla markaana iyada oo Soomaaliya Midowga Afrika ixtiraameysa, kana mid ah dalalkii aasaasay hadana ay doorbidayaan in laga war sugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka.

9. 2021-ka Kadib: Kenya rajo weyn ayey ka qabtaa in ay meermeeriso dhageysiga maxkamadda cadliga adduunka, oo ugu yaraan ay hesho 12 bil oo dib u dhigis ah, haddii ay sidaasi dhacdo, Soomaaliya waxaa ay galeysaa marxalad kala guur ah iyo doorashada 2020-ka, waana adkaan doontaa in wax badan la qabto, ujeedka Kenya waa iney riixdo go’aanka maxkamadda ilaa 2021-ka si maamulka cusub ee Farmaajo ka dambeeya ay ula macaamilaan, kana dhaadhciyaan xeelado ay fulintooda hadda ku adkaatay .

Si kataba ha ahaatee, Soomaaliya ilaa hadda kiiska badda waxaa ay ku wadaa sidii la rabay, xeelad kasta difaac ayey ka gashay, waxaana muuqato in aan dacwadda la tagi-doonno todobaadka soo socdo maxkamadda ICJ , oo tagista qareenada Kenya iyo maqnaanshiyahooda wax micno ah kuma leh in Soomaaliya la dhageysto ama xataa ay maxkamadda go’aan ka gaarto xadka badda ee muranku ka taagan yahay.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Goobjoog News