U bood dhigaalka

Sawirro: Shacab Cabasho Ka Ah Dhul Uu Bur-buriyey Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Shacab ku sugan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa cabasho waxay ka muujiyeen dhul uu dhowaan bur-burin ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa garoonkii Jeenyo, xaafadda carafaat ee degmadaasi.

Dadkan oo u badan waxgarad ayaa kulan ay yeesheen waxay kasoo saareen war-saxaafadeed, iyaga oo saxaafadda usoo bandhigay waraqado ay sheegeen in ay caddeyn u tahay lahaanshiyaha dhulkaasi.

Waxa ay tilmaameen in sharciyadda la haanshiyaha dhulkaasi laga helayo diiwaanka dhulalka ee dowladda hoose.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedkooda:

Cabsho bururin hanti iyo dhul gaar looleyahay

Annagoo ah  muwaadiniin dhibanayaal ah, kuwasi oo laga bur-buriyay hanti, iyo dhulal ku yaalla xaafadda Carafaat ee Dagmada Yaaqshiid, waxaan  u sheegaynaa Madaxda Dowladda Fedaralka Soomaaliya, iyo dhammaan umadda  Soomaaliyeed qodobada soo socda, kuwaasi oo ku saabsan dhulka lagu hayo bur-burinta iyo boobka ee aan kor kusoo xusnay.

Waxaan si ay kalsooni ku dheehan tahay, u cadeyneynaa in dadka laga bur-buriyay hantidooda laguna takrifalay  dhulkooda ay u haystaan sharciyo iyo dukumentiga lahaansha dhulkaasi kaasi oo si sharci ah  u soo baxay xilligii Dowladdii Maxmed Siyaad Barre.

Dhamaan sharciyadda lahaanshaha dhulkaasi waa mid laga helayo diiwanka dhulka ee dowladda hoose.

Dhulkaan dhismihiisu waxa uu heestaa fasaxa dowladda hoose ee Xamar.

Dhulkaan iibsashadiisa waxaa lagu kala wareegay nootaayinka sharciga ah sida nootaayada Amiin Xasan Cadde.

Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxman Cumar Yariisow qiray sharci ahaansha dukumintiyada dhulkaan.

Haddaba waxaan madaxda dowladda sida madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo dhammaan hay’adaha cadaaladda ka codsaneynaa in ay soo farageliyaan boobka iyo burburinta lagu hayo dhulkeenna.

Ugu dambeyn waxaan mar kale caddeyneynaa  in aan ku kalsoonnahay in lagu kala baxo sharciga diyaarna u nahay waxa uu sharciga go’aamiyo.