U bood dhigaalka

Magacyada 10ka Ardey ee Kaalimaha Ka Gashay Imtixaanka Shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, iyada oo in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.

Haddaba Halkan Ka Akhriso, 10-ka Ardey oo kaalimaha hore:

1. Idiris Maxamed Cumar(Al-anwar).

2. Xuseen Cali Maxamed(Axmed Gurray).

3. Xasan Cabdullahi Sh. Cabdi(Khadiijo).

4. Jibril Cumar Cabdulle(Hoyga Xamar).

5. Maxamed Yusuf Cabdiraxman(Maxamud Xarbi).

6. Xaawo Siidow Maxamed(Alfajri Model).

7. Cumar Maxamed Muuse(Imaamu Maalik)

8. Maxamed Cabdullahi Nuux(Tadamun).

9. Cabdfitax Ibrahim Siraaji(SYL).

10. Maxamed Calas Diiriye(Amir Nur).