Sawirro: Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Eritrea oo Muqdisho Soo gaaray

Waxaa goordhow garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho  soo gaartay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka jaarka nala ah ee Itoobiya iyo Eritrea.

Dr Workneh Gebeyehu oo Itoobiya ka socda iyo  Cusman Saleh oo Eritrea ah, waxaa soo dhoweeyey dhiggooda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW