U bood dhigaalka

Maxaad Ka Ogtahay Dhacdooyinkii Ugu Waaweyn Bisha Janaayo 2019 Iyo Ciyaaraha Dalka

Sheeko:Cayaaraha

Horaanta sanadkan cusub 2019 waxaa guud ahaan dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo xaga ciyaaraha haddab waxaan akhristeyaasheena usoo bandhigeenaa dhacdooyinkii ugu weynaa ee dhacay bishoo lasoo dhaafay Janaayo 2019.

01-Janaayo 2019-garsooraha heerka caalami ee Soomaaliya Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards,isagoo ku guulaystay garsoorihii ugu wanaagsan Soomaaliya sanadkii tagay 2018.

01-Janaayo 2019-Ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii 2018 Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay.

03-Janaayo 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa dhagax dhigay dhismaha wajiga labaad ee garoonka kubbadda cagta Jamaacadaha ee degmada Hodan waxaana mashruucan bixiyay xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA.

05-Janaayo 2019-Ciyaartoyda Xulka qaranka teeniska oo mudo dheer ka dib dalka Tanzania u aaday tartan teeniska dheer waxaana arinta soo dhaweeyay xidigihii hore iyo xiriirka Teeniska dheer.

06-01-209-Tababaraha kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka 4aad ee dalka Sweden Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu diyaar u yahay laylinta xulka qaranka Soomaaliya iminka uu wado kordhinta xirfadiisa macalinimo.

14-Janaayo 2019-Maamulka Gobolka Banaadir oo hogaaminayo Guddoomiyahe Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa dhagaxdhigay garoonka kubbadda cagta Qoobdooro ee degmada Kaaraan madaxda Gobolka ayaa sheegay in garoonkaas loo dhisidoono qaab-casri ah si ay ugu faaideestaan dhalinyarada iyo shacabka degmada oo aad u jecel ciyaaraha gaar ahaan kubbadda cagta.


16-1-2019-Tartanka Isreb-reebka kooxaha heerka 1aad ee Jubbaland ayaa ka furmay garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo qorshaha tartankaan ayaa lagu sheegay si loo kala saaro  12-ka kooxood ee  ladoonayo in 6 ka mid ah ay usoo gudbaan heerka 1-aad iyo heerka 2-aad.

16-Janaayo 2019-Maamulka isboortiga degmada Hilwaa ayaa macalinkooda cusub u magacaabay Cabdinaasir Axmed oo horay ugu mid ahaa ciyaarooydii u soo ciyaartay kooxda degmada.

17-Janaayo 2019- xiriirka Teeniska Dheer ayaa Muqdisho si wanaagsan ugu soo dhaweeyay ciyaartooydii ugu horeesay mudo ka dib magaalada Daarsalaama ee dalka Tanzania ugu qeyb gashay tartanka teeniska dheer.

18-Janaayo 2019-Kooxda kubadda cagta ee Umu Hospital ayaa ku guuleesatay horyaalka heerka sedexaad ee kubbadda cagta Soomaaliya fasal ciyaareedka 2018-2019.

19-Janaayo 2019- Tartan  lagu xusayay marxuum Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa Muqdisho furmay waxaana ka qeyb galay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah, Elman,Jeenyo,Heegan iyo Muqdisho City Club.

20-Janaayo 2019- maamulka kooxda Elman ayaa xogayahooda cusub ee naadiga umagacaabay Xaaji Shirwac Sandhool oo ka mid ahaa macalimiinta farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

22-Janaayo 2019- Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay xidigii hore kooxda kubbadda kolayga L.L.P Jeenyo Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo),isagoo xlika wasaaradaas horay u soo qabtay sanadii 2017.

22-Janaayo 2019-Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa ku guulaystay koobii lagu maamuusayay Allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad,iyagoo ka hantay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

24-Janaayo 2019-Xidigii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Banaadir SC Mustaf Xasan Cumar (Mustaf France) ayaa safar u aaday dalka dibadiisa,isagoo ahaa tababare ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club 21-kii sano lasoo dhafaay sida laga soo xigtay kooxdiisa waxa uu kula guulaystay koob walbo uu kala qeyb galay naadiga Muqdisho City Club,isagoo ciyaaryahan iyo Macalin ah.

25-01-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup si dhalinyarada xirfalayaashaada loogu diyaariyo qeybaha kale ee kooxda.

26-01-2019-Tartan kubbada Cagta oo lagu taageerayay wax qabadka guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (Shakeeti) ayaa lagu soo gaba gabeeyay garoonka qoob dooro ee degmada kaaraan Basma uu la hadashay warbaahinta waxa ay sheegtay in 2019 koobab badan loo dhigo doono dhalinyarada degmooyinka Gobolka si ay u sameeyeen is-dhaxgal bulsho.

27-01-2019-Macalinka Kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa shaaciyay in ay soo qaateen goolhayihii hore degmada Waaberi Sakariye Maxamuud Axmed,taageerayaasha kooxda L.L.P ayaa aaminsan in xidigan buuxindoono booskii uu ka baxay Mustaf Maxamed Yuusuf oo iminka shabaqa u ilaaliya kooxda Heegan.

28-01-2019-Xiriirka kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen casuumaad kaga timid xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta tasoo ku aadan laaciibiin ka socota Eritrea in ay booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimaadaan caasimada Muqdisho.

29-01-2019-Wasaarada ciyaaraha  iyo Xiriirka kubbadda cagta maamulka Galmudug ayaa garoonka  Cabdulaahi Ciise ka furmay tartanka Dugsiyada sare ee magaalada Gaalkacyo yoolka tartankan ayaa lagu qeexay sidii dhaqaalaha loogu aruurin lahaa dayactirka dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise.

30-01-2019-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar u socday gaarsoorayaasha kubbadda cagta, kaas oo u jeedkiisu uu ahaa sidii sare loogu sii qaadi lahaa aqoonta garsoorka heerarka kala duwan ee xirrirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta.

31-01-2019-Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 waxayna 3-0 kaga adkaadeen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho CIty Club.

Halkan Ka Daawo Warbixin Lagu Soo Koobay Dhacdooyinkii Dhacay Bishii Janaayo 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/345633652951776/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle