U bood dhigaalka

Aabaha Gabar Macalimad Aheyd Ee Uu Askari dilay, Oo Cadaalad Raadinaya

Sheeko:Dalka

Qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamud ayaa wajahay murugo iyo xanuun badan kadib markii isniintii ay gabadhooda Safiyo Cabdiraxmuud u geeriyootay xabado uu furay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Faadumo oo aheyd gabadhii la socotay Safiya markii uu xabadaha ku furay askariga ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa sheegtay in aaney garaneyd in hadafka iyagu ahaa iyo in kale.

Faadumo oo sii hadleyo waxaa ay tiri “Waxaaan ka soo laabanay booqasho xaafad gabar nala dhalatay, waxa aan soo raacnay bajaaj, annaga oo taagan isgoska Ceelqalaw ayaa mar qura askari taagnaa meesha waxa uu furay xabado dhowra ka dib waan cabsanay, waxaana arkay Safiya oo igu soo dhacday, mana maleyneyn in xabado ku dhaceen, wax kaliya aan filaayay gabadha inay cabsatay,  waxa aan weydiiyay Safiyo ma cabsatay mayna ila hadlin.

“Waxa aan arka dhiig ka baxaayo gabadha madaxeeda, waxaana ula soo oradnay isbitaalka naf kuma aanan gaaribna oo dhexda ayeyba ku naf baxday”.

Marxuumad Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud waxa ay dhameysatay wax barashada heerka koowaad ee jaamacadda sanadkii2016, dhimashadeeda bil ka hor ayeey bilaawday wax barashadeeda heerka labaad ee master-ka.

Marxuumada aabaheed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka hadlay dhimashada gabadhiisa ka dib falcelinta loo baahanyahay “Gabaheyda waxa ay sababsatay xabad uu ku dhuftay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaa aan dareemayaa qof laga dhintay xanuunkii uu dareemi lahaa,  waliba dhimasho sabab ay u noqotay qof kale iney disho, waxaan dareemayaa in bulsho badan ay qabaan dhibkaan oo kale si aan munaasab aheyn dadkoodii loo dilo, Waxaana illaah xagiisa ka rajeeynaa in cadaalad iyo sinaan la helo, oo gabadheydu noqoto qofkii ugu danbeeyay oo si gardarro ah loo dilo , gabadhaeyda waxa aan wax soo baraayay mudo dhowr iyo labaatan sano ah, waxa aan wax u barayay inay naftwwda iiyo dadkeeda anfacdo

Sidoo kale Safiyo waxa ay aheed macalimad iskuulka Raage Ugaas wax ka dhigta sidoo kale Safiyo waxa ay u weyneyd dhowr caruura ah, oo qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamuud, waxa ay aheyd qof u taagaanaa xanaannada hooyadeed oo shan sano sariir saarneed, ayadana aheed qofka kaliya ee uqidmeeynayay

Dilka Safiya ayaa waxa uu yahay kiis 2aad oo mudo bilo gudaheeda xabado ciidamada furaan lagu dilo ahna kii 3aad ee lagu dilo gabdho ardayaa iyo macalin ahaa oo dalka iyo dadka u soo baxay gudaha magaalada Muqdidho Safiya ayaana sababsatay askari ka tirsanaa ciimada dowlada xabado uu furay.

Goobjoog News