U bood dhigaalka

Aadan Madoobe Oo Markale Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeyay doorashada kursiga HOP#189.

Kursigaan tirsigiisu yahay HOP#189 ay ku tartamayaan Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” iyo Hassan Ali Mahamed.

Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” oo ku guuleystay kursigan ayaa helay codad dhan 63 cod, halka musharax Hassan Ali Mahamed uu helay 11 Cod.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#189 oo uu ku guuleystay Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” .

Goobjoog News