U bood dhigaalka

Aamina Cumar Jaamac Oo Markale Loo Doortay In Ay Ka Mid Noqoto Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi afaraad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga labaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.

Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#202  ayaa waxaa  kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac  iyo Aamina Cismaan Diiriye.

Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Aamina Cismaan Diiriye, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac oo heshay 101 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#202 oo uu ku guuleysatay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac.

Goobjoog News