U bood dhigaalka

Aasaasaha Facebook oo Labo Cisho Gudahood Ku Khasaaray 9-billion oo Dolar

Mark Zuckerberg, aasaasaha shirkadda Facebook ayaa 48-saacadood gudahood ku khasaaray in ka badan 9billion oo dolar kadib markii uu hoos u dhacay saamiga shirkadda Facebook, waa sida uu sheegay website-ka CNBC ee dalka Mareykanka laga leeyahay.

Khasaarahan ayaa soo gaaray kadib markii shirkadda ku takhasustay macluumaadka internet-ka ee “Cambridge Analytica la sheegay iney si khaldan u isticmaashay xogaha Facebook, si ay saameyn ugu yeeshaan doorashooyinka Mareykanka ee 2016.

Websiteka “CNBC” oo soo xiganaya tilmaamaha billionaires-ka ee Bloomberg iyo Forbes ee Talaadadii, ayaa sheegay in Hantida Zuckerberg ay noqotay 66-billion oo dolar, xilli ay Labo cisho ka hor ahayd $75-billion.

Website-ka waxa uu intaa ku daray in Zuckerberg oo ahaa ninka 4-aad dadka ugu taajirsan adduunka uu hadda kaalintaa hoos uga dhacay oo uu noqonayo ninka Lixaad ama Todobaad ee ugu taajirsan adduunka.

Zuckerberg ayaa leh saamiga milkiyadda Facebook 16%.

Goobjoog News