U bood dhigaalka

Abaabulka Guluf Kadhan Ah Ahlusuna Oo Kasocda Galmudug

Sheeko:Amniga

Dawlad goboleedka galmudug aya wada abaabul ciidan oo ballaaran kaa oo ka dhan ah ciiddamada Ahlusuna ee la wareegay magaalada Gurceel.

Labadii maalmood ee laso dhaafay boqolaal askari oo booliska sida gaarka utabaran ee Haramcad ah aya laga dajiyay Caasimada Dhuusomareeb, sida ilo xog ogaal ah ay uxaqiijiyeen GOOBJOOG NEWS waxa jira ciidamo kale oo maalmaha soo aadan gaari gaari doon Dhuusomareeb si ay qeyb uga noqdaan gulufka.

Dhanka kale waxa hakad uu kuyimid dhamaan dadaaladii wada hadalada ee laga dhaxwaday Ahlusuna iyo Madaxda Galmudug kadib markii kooxdu duhurnimadii sabtida ay gacanta ku dhigeen degaanka Ceeldheere oo 30KM ujira Dhuusomareeb, iyagoo halka fariisimo ka samaystay, waxaana tallabaadaas ay sii kordhisay xiisadda.

GOOBJOOG NEWS.