U bood dhigaalka

Abaalmarin Loo Ballanqaaday Ciidan Fashiliyay Weerar

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa abaalmarin u balanqaaday ciidan la sheegay iney fashiliyeen weerar lagu waday inuu ka dhaco bar kontorool oo ku taallo KM4 dhanka Airportiga Aden Cadde.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu  ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga

Goobjoog News