U bood dhigaalka

Abaaro Iyo Xanuunno Ka Jira Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan dad  ku sugan degmooyin ka  tirsan gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa jira xaalado dhanka nolosha ah oo aad u adag oo ay wajaheen dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah ee ku nool gobolkaasi.

Degaannada ugu daran ee la soo sheegayo waxaa kamid ah degaanno dhowr ah oo hoostaga magaalada madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana jira abaaro xooggan oo ka jira gobolka oo dhan.

Xanuunno ayaa lagu soo warramayaa in ay ka jiraan degaannada hoostaga degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere kuwaasoo iminka fara ba’an ku haya dadka shacabka ah.

Xanuunnadani waxaa kamid ah shuban biyood iyo xanuunno kale oo dadka iyo duunyadaba ku dhacaya.

Dadka degaanka oo la hadlay Gooboog News waxa ay sheegeen in xoolo badan ay u dhinteen xanuunnadani dillaacay markii la waayay wax kaalmo caafimaad ah.

Gobolka Gedo wuxuu kamid yahay meelaha ay ka jiraan abaaraha xooggan dadkuna ma heli karaan biyo ay cabaan iska dhaaf kuwa ay siiyaan xoolahoode, meelaha qaarna xoolaha harraad ayay u dhimanayaan.

Dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa laga doonayaa inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan abaaraha ka jira gobolkaasi Gedo wallow lagu mashquulsan yahay arrimaha doorashooyinka.

Goobjoog News