U bood dhigaalka

Abaaro Ku Dhuftay Gobalada Waqooyi Ee Dalka Kenya

Sheeko:Amniga

Warbixin ay soo saartay Hay’adda la socodka iyo Maareynta musiibooyinka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in abaaro ba’an ay ku dhufteen gobalada ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Hay’adda ayaa sheegtay in inkabadan 70% dadka ku nool Gobalada waqooyiga dalka Kenya ay wajahayaan macluul iyo abaar daran.

Warka ay soo saartay Hay’adda ayaa sidoo kale ay ku sheegtay in dadka iyo duunyada ku nool gobaladaas aysan seddaxdii sano ee la soo dhaafay helin biyo ku filan.

Roobabka ayaa la sheegay in gobaladaas aysan iyaguna ka da’in muddooyinkii dambe, dadka ayaana soo foodsaarta biya yari baahsan.

Dadka ayaa la soo wariyay in ay inta badan bilaabeen in ay isaga barakaacaan deeganada ay ka jiraan biya la’aanta baahsan iyagoo u ruuqaansanaya goobaha biyaha laga heli karo.

Xoola dhaqato badan oo Soomaali ah ayaa la soo wariyay in ay soo wajahday xaalad nololeed oo adag.

Goobjoog News