U bood dhigaalka

Abaar Iyo Xanuun Aan La Aqoon Oo Ku Dhuftay Deegaanno Ka Tirsan Maamulka Jubbaland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay in hay’adaha gurmadka ay gargaar bini aadanimo gaarsiiyaan Abaaro daran oo ku dhuftay deegana ka tirsan Jubbaland.

Qeyba ka mid ah deeganada dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa ku dhuftay maalmihii la soo dhaafay Abaaro ba’an kuwaas oo galaaftay noloshada dadka iyo duunyada.

Deeganada Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa ka dilaacay cuduro aan la garanin nooca ay yihiin kuwaas oo soo ritay dadka ku dhaqan deeganada Abaarta ay ka kacday.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas sii raaciyay “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.”
Goobjoog News