U bood dhigaalka

Abaarta Halakeysay Puntland Oo Ka Sii Dareysa

Sheeko:Dalka

Dadka ay abaaruhu ku heystaan degaannada Puntland ayaa maalinba maalinta xigta ay sii xumaanaysaa xaaladdooda, waxaana bakhtiyay xoolo badan oo isugu jira geel iyo ari kuwaasoo u dulqaadan waayay harraadka iyo xaaladda adag.

Waxaa sidoo kale markii ay abaaruhu xoogeysteen u dhimanayay dadka degaannada qaarkood sida carruurta iyo dadka waayeelka ah ee aan gaajada iyo oonka u adkeysan Karin.

Abaarta halakeysan gobollada waqooyi iyo bari ee Puntland ayaa laga soo sheegayaa in weli dadku aynaan helin gargaarkii beni’aadanimo oo ay u baahnaayeen.

Gurmadyo ayaa soconaya oo degaannada abaaruhu ka jiraan lagu gaarsiinayo dadka waxay cunaan iyo waxay cabaan intaba.

Qoysas badan oo reer miyi ah ayaana soo gaarayay muddooyinkii dambe dhulalka laamiga la siman waxayna ka imaanayeen dhulka fog ee baadiyaha ah.

Dadka shacabka iyo culumada oo isxil qaantay ayaana sameynaya gurmadyadani beni’aadanimo.

Weli gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya waxaa ka jirta abaar daran, Puntland gobollada ugu daran waxaa kamid ah Nugaal gaar ahaan degaannada laamiga ka fog, gobollada Sool iyo Sanaag iyo degaanno kale.

Goobjoog News