U bood dhigaalka

Abaarta Ka Jirta Gobolka Sanaag Oo Laga Qeylinayo

Sheeko:Dalka

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa weli heysta xaalado dhanka nolosha ah iyagoo ka cabanaya abaaraha ka sii daray ee ka taagan gobolkaasi.

Shacabka ku dhaqan degaanno hoostaga magaalada Badhan ayaa ka cabanaya iminka abaarta daba dheeraatay oo ay sheegeen inay saameyn xun ku yeelatay.

Qoysaskani oo dhowr jeer degaanno isla gobolka Sanaag ah isaga kala guuray ayaa sheegay in xoolihii ay ka leysay abaarta jirta, islamarkaana aynaan helin wax gargaar ah.

Degaanka Xarkadheere oo ka tirsan Sanaag qof ku sugan ayaa Goobjoog News u sheegay in aan la qiyaasi Karin saameynta ay leedahay abaartani.

Wuxuu sheegay in abaartani tahay tii ugu xumeyd oo sanadahan ay ku arkaan gobolka iyo gobollada kale ee deriska la ah Sanaag sida gobolka Sool.

Inta u dhaxeysa labadani gobol ayaa kamid ah meelaha ay ka dhacday biyo la’aanta darani oo kumanaan qoys oo reer miyi ah ay isaga hayaameen.

Xoolo badan ayaa u dhammaaday biyo la’aanta meelaha qaarna waxaa jira in dadku ay u dhimanayaan harraad iyo gaajo.

Puntland iyo Somaliland oo shaaciyay inay billaabeen dadaallo ay ku gaarsiinayaan dadka abaaruhu saameeyeen gurmadyo ayaa haddana wax kaafin kara dadkaasi aynaan weli helin.

Roobab mahiigaan ah ayaa degaannada qaar ee Puntland ka curtay degaanno kamid ah sida gobollada Bari iyo Nugaal.

Goobjoog News