U bood dhigaalka

Abiy Ahmed Oo Markale Loo Doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaarihii dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale loo dhaariyay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalkaasi dhaca geeska Afrika.

Abiy Ahmed ayaa noqonaya ra’iisulwasaaraha Itoobiya shanta sano ee soo socota, kadib doorasho muran badan uu ka dhashay oo dalkiisa uu ka qabsaday.

Doorashada baarlamaanka dalka Itoobiya oo goordhaw la soo gabagabeyay ayaa maanta oo Isniin baarlamaanka cusub ay si wada jir ah u dhaariyeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Xisbiga Barwaaqo ee uu hogaamiyo Abiy ayaa ku soo baxay Caqlabiyadda baarlamaanka doorashadii golaha wakiilada ee dalkaas ka dhacday.

Abiy ayaa lagu wada in goordhaw uu soo dhiso xukuumaddiisa cusub ee shanta sano soo socota uu hogaamin doono.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa waxaa weli hareeyay soo bixitaankiisa muran badan oo ku aaddan ku shubasho ka dhacday deegaanada doorashada lagu qabtay.

Munaasibadda caleema saarka Abiy Ahmed Ali, ayaa waxaa maanta ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka socota dalalka Afrika.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa saaka ka ambabaxay Muqdisho, isagoo Adis Ababa kaga qeyb galaya munaasibadda is caleema saarka Abiy.

Goobjoog News