U bood dhigaalka

Abiy Axmed: Afrikaanka fiiso La’aan Ayey Soo Booqan-doonaan Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Itoobiyaha Abiy Axmed ayaa sheegay in dhammaan dadka Afrikaanka ah ay dhowaan fiiso la’aan booqan-doonaan dalkiisa.

Arrintan waxaa uu Abiy ka sheegay soo dhoweynta madaxweynaha Rwanda Paul Kagame kaas oo booqasho 3 maalin ah ku tagay dalka Itoobiya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Rwanda oo kulan gaar ah ku qaatay Adis waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, in dadka Afrikaanka ah loo ogolaaday in ay soo booqdaan Itoobiya iyo in la fududeeyo dhaq-dhaqaada si loo dhiirigeliyo dalxiiska.

Ra’isul wasaare Abiy ma bixin wax faahfaahin ah iyo goorta ay arrintan bilaaban-doonto laakin tillaabadan waa mid keenni karta in la isu furo xuduudaha Afrika.

Goobjoog News