U bood dhigaalka

Abiy Axmed iyo Cod Sir Ah: Dhimasho Ayaan ka xigaa Kursiga, 10 Sano Waan sii Heysan

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kulan gaar ah la lahaa xisbigiisa “Prosperity Party” ayaa laga duubay hadallo khatar ku ah dimoqoraadiyadda iyo guud ahaan jiritaanka Itoobiya, isaga oo sheegay inuu ku shubanayo doorashada soo socota, isla markaana uu dalka sii maamuli doono 10-ka sano ee soo socota.

Codkan oo gilgilay guud ahaan Itoobiya waxaa uu ku sheegay saddexdan arrin: (1). In isaga iyo xisbiga ku guuleysanayaan doorashada 21-ka bishan (2). Inuu sii jooga maamulka 10 sano (3) Haddii xukunka laga qaadana uu dhiig badan daadadn doono.

Abiy oo arrinkan ka hadalaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan dareemeynaa xaqiiq la xiriirta welwel badan oo nooga imaanaya siyaasiyiin, kooxo kala duwan iyo warbaahinta kuwaas oo doorashada u galaya si ay xukunka u qabsadaan, aadna u doonaya, meel kasta ayey joogaan, waa dhow yihiin, waana fog yihiin”.

Abiy oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Ma jirto cid dhisi karta xukuumad 10-ka sano ee soo socota, geeri Ayaan ka xigaa in aan maamul ku wareejiyo”.

Axmed ayaa hadalkiisa ku soo afjaray “Doorashada waa ay dhaceysaa, kooxda aan sameynay shaqo adag ayey qabteen, waxaa dhici  doona dhimasho iyo dhiig , sida ay doonto ha ahaatee, shaki iigama jiro inaan ku guuleysannay doorashada, weliba qaab sahlan”.

Abiy Axmed oo saxiib la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu baab’iyey qawmiyado badan isaga oo xoog iyo qoray caaraddii rumeysan, taasi oo Itoobiya ka dhigtay goob qalalaaso, keentana in Mareykanka ay cunaqateyn saaraan.

Goobjoog News