U bood dhigaalka

Abiy Axmed oo Farmaajo usoo Diray Lataliyihiisa Amniga

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isniintii waxaa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo usoo diray la taliyihiisa amniga si ninka hore loola socodsiiyo hawlgalka Axmed ee ka dhanka ah Tigreyga.

Gedu Andargachew ayaa waxaa uu la kulmay Farmaajo, inkasta oo Villa Somalia aaney ka hadlin hadana waxaa shaaciyey safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaludin Mustafa.

Safiirka, waxaa uu sheegay in Andargachew  uu Farmaajo hordhigay xaaladdii ugu dambeysay ee hawlgalka ka socdo waqooyiga Itoobiya ee lagu soo celiyo sharciga.

Abiy Axmed ayaa saraakiil badan u kala diray gobolka, Andargachew waxaa uu booqday sidoo kale Djibouti iyo Suudaan halka ra’isul wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen uu todobaadkii hore tagay Kenya iyo Uganda.

Arrimahan ayaa waxaa looga horgatayaa faragelin ay midowga Afrika ku sameeyaan xaaladda Itoobiya iyo dhibaatada ka socota gobolka uu Abiy Axmed weeraray ee Tigreyga.

Goobjoog News