U bood dhigaalka

Abiy Axmed oo Isku Diyaarinya Guluf Hor Leh

Sheeko:Amniga

Waxaa weli socda dagaaladii u dhaxeeyey ciidanka Faderaalka iyo xoogaga “Jabhadda Xoreynta Tigreyga” xilli, Itoobiyana ay daaha ka qaaday abaabulka ciidamadeeda gaarka ah iyada u diyaar garoobeysa in ay TPLF kaga hortagto xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigray.

Addis  Ababa waxay markii ugu horeesay shaaca ka qaaday abaabulka ciidamada gaarka ah ee gobolada si loogu diyaar garoobo guluf ka dhan ah “Jabhadda Xoreynta Tigrey” ee gacanta ku dhigtay inta badan waqooyiga Itoobiya.

Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in keenista ciidamada gaarka ah ee gobolada ay tahay talaabo looga hortagayo wax ay ku tilmaantay “talaabooyin daandaansi ah” oo ay TPLF ka waddo xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigrey.

Dadyowga Tigreyga waxa ay naftooda  kala cararayaan wax ay ku sheegeen mowjado sare oo rabshado qowmiyadeed iyo isir sifeyn ah oo ka socda cirifka fog ee galbeedka gobolka Tigray ee Itoobiya.

Gobolkan barwaaqada ah waxa wali gacanta ku haya askar iyo Maleeshiyaad daacada u ah dowlada federaalka.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed horay wacad ugu maray inuu ka hortagi doono TPLF ” wuxuuna ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, “Waxaan iska difaaci doonnaa oo aan iska caabin doonnaa weeraradan ka imanaya cadawgeenna gudaha iyo dibaddaba, iyadoo laga shaqeynayo dardargelinta howlaha bani’aadamnimada.”

Mareykanku wuxuu walaac ka muujiyay wararka sheegaya fiditaanka dagaalka ee gobolka Tigreyga.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, “Dagaalada sii soconaya waxay kaliya horseedi doonaan dhibaato iyo dhimasho aan loo baahneyn,” iyadoo ugu baaqday dhamaan dhinacyada inay si deg deg ah u ogolaadaan xabad joojinta iyadoo loo marayo wadahadal siyaasadeed.

Jimcihii, Amnesty International waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Itoobiya inay tobonnaan  dad Tigrey ah ku xirxirtay magaalada Addis Ababa iyo meelo kale tan iyo markii Jabhadda Xoreynta Tigrey ay bishii hore dib ula wareegtay gacan ku heynta magaalo madaxda gobolka tigre ee Mekele.

 

Hay’addu waxay sheegtay in dadka la xiray ay ka mid yihiin kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo saxafiyiin, qaarkoodna lagula kacay jirdil, waxay u badan tahay in tirada guud ay noqon doonto boqollaal, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin intooda badan.

Abiy ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee la soo dhaafay si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda xoreynta dadka Tigreega, oo xukunta gobolka.

Ku guuleystaha Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa  dabayaaqadii bishii Nofeembar waxa guul ka sheegtay colaadda ka dib markii ciidamada federaalku ay la wareegeen caasimada gobolka ee Mekele, laakiin dagaalka aya daba dheeraaday oo hogaamiyayaashii Jabhada Xoreynta Dadka Tigray ee baxsad ka ahaa aya dib ugusoo laabtay Mekele.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay horaantii bishii July in in ka badan 400,000 oo qof ay “macaluul ku heshay” gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, oo dagaallo ay ka socdeen.

Mas’uuliyiinta Itoobiya waxay ku hanjabeen inay hor istaagi doonaan gelitaanka gargaarka ee tigre kadib markii lagala wareegay caasimada gobolka.

W/Q: Yaxye Soocadde.