U bood dhigaalka

Abiy Axmed Oo Ku Baaqay In Si Degdeg Ah Loo Soo Afjaro Rabshadaha Gobolka DDSI

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa cambaareeyay rabshadaha ka dhacay gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya maalmihii ugu dambeeyay kuwaasi oo lagu burburiyay hanta badan, isaga oo ku baaqay in si dhaqso ah loo soo afjaro.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in rabshadihii ka dhacay labada Magaalo ee Dariido iyo Jaqjaqa laguna burburiyay hanta badan uu aad uga xunyahay isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro rabshadaha.

Abiy oo hadal jeediyay waxaa uu hoosta ka xariiqo in lagama maarmaan ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo rabashadaha ka jira gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya sida ay sheegtay Idaacadda Qana ee Itoobiya.

Xukuumadda Fedaraalka Itoobiya ayaa amartay in Ciidamadeeda ay faro-galiyaan Ismaamulka Soomaaliada Itoobiya si looga hortago rabshado dhaca.

Sabtidii ayaa waxaa ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya rabshado lagu dalbanayay in xafiiska uu baneeyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Cabdi Maxamed Cumar.

Goobjoog News