U bood dhigaalka

Abiy Axmed: Qofkasta hubkiisa ha qaato si aan Itoobiya uga difaacno argagixisada TPLF

Sheeko:Amniga

Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah ula wareegeen magaalooyinka  Kombolcha iyo Dessie ee ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya, xilli dowladda Abiy ay gaashaanka u daruurtay sheegayashada Jabhadda.

Abiy ayaa sheegay in ay weli dagaal kula jiraan kooxda TPLF, isagoo ugu baaqay in dhamaan shacabka dalkiisa ay qoryaha qaataan difaacanna dalkooda.

“Si buuxda ayaan u maamuleynaa Komblacha,” ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twittter-ka waxaa sidaas Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in ay sii soconayaan dagaalka TPLF ay gobalka Tigrayga kaga xoreynayaan.

Maamulka Amharada ayaa dhankooda ku dhawaaqay in dhamaan la xiray xafiisyada dowladda, dhamaan shaqaalaha iyo hantida dowladdana loo weeciyay dhanka dagaalka.

Abiy ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada waxa uu ku yiri “Qofkasta hubkiisa ha qaato si aan Itoobiya uga difaacno argagixisada TPLF”.

Hoggaanka jabhadda ayaa dhinacooda shaaciyay in u jeedkooda uu yahay in gobalka Tigrayga ay ka dul qaadaan waxa ay ugu yeeraan cadawga oo ah dowladda Itoobiya.

Goobjoog News