U bood dhigaalka

Abiy : Ciidankeenna Waxa ay Diyaar U Yihinm In Ay Fuliyaan Howlgal Aad Gacmaha Afka la saaran doontan”.

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dalkiisa la howlgelin doonno si ay ula dagaalamaan xoogagga TPLF.

Abiy ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada waxa uu sheegay in ay iska caabinayaan jabhadda, xilli uu ugu yeeray in ay yihiin Kansarka Itoobiya.

“Cadawga aan wajahayno waa cadowga kansarka Itoobiya.” ayuu yiri mr Abiy.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku siidaray isagoo yiri ““Waxaan leenahay Qorsho Waana naqaana sida, goorta, sababta iyo Goobta aan u socono, Natiijada Qorshahaas waxaa la arki doona waqtiga ugu dhow.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadiisu u diyaar yihiin dhawaanna ay soo bandhigi doonaan qorshahooda.

“Cadowgeena iyo Saaxibadeen waxaan u sheegeynaa,  Ciidankeenna waxa ay diyaar u yihiin In ay fuliyaan howlgal aad gacmaha afka la saaran doontan”.

Dagaalka xukuumadda iyo TPLF ayaa sii xogeystay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ay TPLF shaacisay in ay dagaal ku qaadi doonto gobalka Amxaarada.

Goobjoog News