U bood dhigaalka

Abiy: Eritrea, Soomaaliya Iyo Itoobiya Ma Sii-Lahaan-doonaan Mustaqbalka 3 Madaxweyne!!

Sheeko:Dalka

Sid ay qortay Eritrean Press(EP), Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegay in geeska Afrika uu lahaan-doono hal madaxweyne intii uu saddex madaxweyne lahaan lahaa, sidaasina wuxuu ka sheegay xafladda daahfurka Trbebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, waxaa markaasi garab taagnaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in isla maanata ay booqdeen mashaariic badan oo beeraha iyo waraabka ah oo ka socda maamul goboleedkaas amxaarada.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama bixin goorta la mideynayo 3da dal, waxaa uu hadalkiisa kusoo koobay “Mustaqbalka”.

Jimcihii ayey 3dan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”.

“Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey.

Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal weli lama hor keenin, kamana doodin heshiisyada Farmaajo uu la galayo Abiy Axmed iyo Isaisas Afwerk, shirarkan 3-geesoodka ah, dekadihii 4ta ahaa ee la siiyey Itoobiya iyo halka loo socda waa arrin ay sugayaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News