U bood dhigaalka

Abiy Oo Sii Daayay Siyaasiyiintii Mucaaradka Ee U Xirnaa

Sheeko:Amniga

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay sii deysay dad fara badan kuwaas oo la xiray intii ay socdeen qalqaasaha dagaal iyo colaadda siyaasadeed ee dalkaas.

Itoobiya ayaa  Jimcihii sheegtay inay sii deysay  dhowr maxaabiis siyaasadeed oo caan ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan jabhadda TPLF , taas oo la sheegay in ay u gogol xaareyso wadahadalada nabadda .

Dadka la sii daayay waxaa ka mid ah Jawar Mohammed, oo ah nin si weyn u dhaliili jiray Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, kaasoo la xiray bishii Luulyo 2020 mudaaharaadyo dadweyne oo lagu dilay boqolaal dibad-baxayaal ah.

Bayaan uu soo saaray, xukuumadda Mr. Abiy waxay ku sheegtay inay sii deyn doonto maxaabiista  ay fududeynayaan wadahadalada dagaalka lagu soo afjarayo.

TPLF ayaa horay u sheegtay in ay xabadda joojinayaan haddii uu ra’iisul wasaare Abiy uu buuxiyo shuruudo gaar ah oo ay hor dhigtay.

Tan iyo markii uu Mr. Abiy, ku guulaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2019, uu billaabay tallaabo milateri oo Tigrayga uu ku qaaday bishii Noofambar 2020, colaadda ayaana calaamad  u noqotay eedeymo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isir sifeyn iyo qalalaaso bini’aadantinimo oo ku riixday ugu yaraan 400,000 oo qof xaaladaha macluul ah.

Warbixin ka soo baxday dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in wadada nabadda dib loogu soo noqonayo kadib dagaal sanad iyo laba bil qaatay.

Siyaasiyiinta la sii daayay ayaa waxaa kamid ah  Sebhat Nega, Mulu G/Egziabher, Kidusan Nega, Ambassador Abadi Zemu, Abay Woldu iyo Jawar Mohammed.

Goobjoog News