U bood dhigaalka

Abiy Oo Xaaladda Ku Adkaatay iyo Qadiyadda Tigrayga Oo Tagtay New York

Sheeko:Amniga

Waxaa dhamaan saasaan colaadeed laga dareemaya gobalada dalka Itoobiya, Jabhadda TPLF ayaa dhankeeda waddo dhaqdhaqaaqyo ay ku dooneyso in ay magaalooyin cusub kala wareegto ciidamada Itoobiya.

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay heer gaba gaba ah mareyso tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Itoobiya ee golaha wakiilada .

65% ayeey guddiga ku dhawaaqen in la tiriyay codadka doorashada ka dhacday dalka, marka laga reebo gobalka Soomaalida iyo Tigrayga .

Guddiga doorashada ayaana ku sheegay in ay maalmaha soo socda shaacin doonaan doorashada uu welli muranka ka taagan yahay .

Ciidamada TDF ayaa dhankooda wada qorsha ay ku sheegen in ay doonayaan in ay kula wareegan gobalka Amaxaarada .

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Maamulkiisa ayaana weli ka hadlin dhaqdhaqaaqyada ay wadaan TPLF, xilli xabad joonin uu codsaday ay ka diiday Jabhadda hubeysan .

Abiy oo horay ugu guuleystay billadda Nabadda ayaa iminka lugaha kula jira jawi colaadeed oo ka dhashay mudda kororsi uu sameystay, wallow hadda laga fashiliyay .

Hogaamiyahan biladda Nabadda hayta ee dagaalka oogay ayaa dhamaan waxa ku soo jeestay indhaha dowladaha caalamka.

Golaha ammaanka Qaramada midoobay ayaa dhankooda kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda dagaalada ka socda gobalka dhaca waqooyiga Itoobiya ee ku sii fidaya dalka oo dhan.

Waaga cusub ee dagaal ee ka curtay dalka Itoobiya ayaa sabab u noqday in ay falan qeeyayaasha siyaasadda caalamka iyo kuwa wax ka qora siyaasadda dhulalka hodanka ah ee dhaaca qaaradda Afrika , in ay shaki geliyaan jiritaanka dowladnimada Itoobiya .

Qaar ka mid ah aqoonyahana ayaa sheegay in ay suura gal tahay maamulada qaar in ay ku dhawaaqan madaxbanaani, halka kuwa kale ay shaki gelinayaan hogaamiyaha sida uu ku helay biladda Nabaddda ee qarisay fahamka siyaasadiisa dagaal .

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in gabood fallo ka dhan ah bini aadanimada ay weli ciidamada dowladda ka geysanayaan gobalka Tigrayga .

Sanadki hore Abiy ayaa dagaal libintiisu ku garabsiisay Eritrea oo uu TPLF kaga saaray gobalka ay ka arimiso, Abiy iyo TPLF ayaana isku afdhaafay xilligaas mudda kororsi ay guddiga doorashooyinka Itoobiya u sameeyen xukuumaddiisa, markaas oo maamul gobaleedka Tigrayga uu ku dhawaaqay madaxbanaani isagoo sheegay in uu qabsanayo doorasho ka madax banaan dalka Itoobiya.

Goobjoog News