U bood dhigaalka

Abukaate Cali Xalane Oo Xildhibaanada Federaalka Ku Eedeeyay Iney Ka Gaabiyeen Qodob Muhiim Ah Oo Dastuuri Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Abuukaate Cali Xalane oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan xasaanadda xildhibaanadu ay ka cabanayaan, in lagu xad gudubi karo iyo in kale, iyo iney jirto duruuf keeni karta in madaxweynuhu amar ku siiyo ciidamada ammaanka in xildhibaanada baaritaanno lagu sameeyo, isagoo abuukaatuhu toosh ku ifiyay si gaar ah qodob dastuuri ah oo ay xildhibaannadu ka gaabiyeen isla markaa ay ahayd iney mar hore ka gaashaantaan.

Abuukaate Xalane ayaa ugu horreeyn ka hadlay sinnaanta muwaadintiita dalka iyo sharcigu waxa uu ka yiri; “Dastuurka KMG waxa uu ka hadlayaa karaamada Aaadanaha oo qodobkiisa 10aad uu sheegayaa in bani’aadamku leeyahay karaamo, waana muwaadiniinta oo dhan, qodobka 11aad ayaa isna ka hadlaya sinnaanta in mujtamaca oo dhani siman yahay oo aan loo kala saareyn tafaraaruq”.

Waxa uu xusay Qodobka 42 ee dastuurka oo ka hadlaya waajibaadka muwaadinka,  faqraddiisa 2aad  “A”,  waxay leedayahay waa inuu noqdaa muwaadin daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa .

Dhanka kale waxa uu iftiimiyay Qodobka 70aad faqradiisa labaad waxay leedahay; xildhibaanada lama baari karo, dacwad ciqaab ah laguma soo oogi karo, iyadoo faqradiisa 3aad ay leedahay dacwadaha aan ahayn ciqaabta xildhibaanka waa lagu furi karaa iyadoo aan ogolaanshiyo laga qaadaneyn golaha shacabka, waana sida uu hadalkiisa u dhigay sharci yaqaanku.

Abuukaataha ayaa hadalkiisa ku daray; “Markii laga hadlayo danta guud, maaha in xildhibaanka xasaanadiisa la jabinayo ee laakiin waa arrin lagu dhowrayo ammaanka, haddii ay lagam maarmaan noqoto waxaa habboon in ay xukuumaddu u sameyso albaab u gaar ah oo ay xildhibaanadu maraan, muwaadiniinta intooda kalena loo sameeyo meel kale, laakiin waxaa muhiim ah in baaritaan la maro si loo sugo amniga qof kasta waajib saaran weeyaan, xildhibaankuna dadka caadiga ah ayuu la mid yahay, sareynta waxaa iska leh sharciga waa inuu qaanuunku shaqeeyo”.

Abukaate Cali  waxa uu xusay in Xildhibaanku uu xasaanad leeyahay marka uu goobtiisa shaqo joogo, marka uu gurigiisa ku sugan yahay, laakiin mujtamaca meesha ay mucaamalaadka ku sameynayaan xildhibaanku bulshada ayuu ka mid yahay.

“Arrinka kale ee layaabka leh qodobka 130 ee dastuurka oo ka hadlaya sharciga Hay’adaha Ammaanka, labada aqal ee baarlamaanka ayaa looga fadhiyay iney sameyaan qaabdhismeedkii hay’adaha ammaanka, shaqooyinka iyo heerarka ay yihiin ay tilmaamaan, shaqo uu xildhibaankii ka seexday in maanta markii ay timaaddo uu yiraahdo la ima baari karo, waxay ahayd in shuruucda amniga iyo qaabkooda shaqada in la soo dedejiyo lana soo hor marsiiyo, taas ayay ahayd inuu qabto, haddii ay ku mashquuleen meelo kale, maantana ay noqotay in cid kasta la yiraahdo waa la baarayaa inuu qaato weeyaan” ayuu yiri.

Abuukaataha ayaa ku dooday in Xildhibaanku marka uu dibadaha tago in la baaro,  maxaa ku jaban marka uu dalkiisa ka baxayana in la baaro.

Xildhibaanada Soomaaliyeed waa iney keenaan qaabkii lagu maareyn lahaa hay’adaha ammaanka dalka iyo iney u hoggaan sameen qodobka dastuurka ee 130aad, iyo iney raadsadaan albaab kale oo gooni ah oo ay ka baxaan, laakiin iney baaritaan maraan muhiim weeyaan.

Abuukaataha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in xildhibaanada baaritaankooda markii horeba laga gaabiyay , laakiin diyaaradda daallo Airline dhibaatadii soo gaartay ay keentay in wax badan ay is bedelaan, muwaadiniinta oo dhanina waa simanyihiin waana in baaritaanka la wada maraa si isku mid ah.

Goobjoog News