U bood dhigaalka

Abukaate Canshuur “Amniga Muqdisho Laguma Keeni Karo Shaqsi Xil Laga Qaado”

Sheeko:Dalka

Abukaate Maxamuud Cali Canshuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in amni xumida ka jirto magaalada Muqdisho aan lagu saxi karin shaqsiyaad xilal laga qaado ama kuwo cusub oo la keeno.

Waxa uu sheegay in xil ka qaadistii Tuuryare aanay micno badan sameyn doonin, isaga oo sheegay in shaqsi ahaan uu ahaa nin shaqo badan, balse waxa hadda loo baahan yahay ay tahay in jawiga, tababarka ciidanka iyo mushaaraadka intaba la bedalo.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay abukaataha in waqtigii ay wax ka baran lahayd amniga ay xoogga saareyso sidii nin walbo uu kusoo bixi lahaa, amnigane uu dad u baahan yahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda waxaad moodaa waqtigii ay waxbaran lahayd inay ku jirto nin walbo sidii uu usoo bixi lahaa, culeyska meesha la saarayo inay ka duwan tahay baad moodaa, ammaan xumida dalka oo dhan waa uu ka siman yahay, ammaankana iskama yimaadee dad buu u baahan yahay, Tuuryare waxa uu ahaa nin dhallinyaro oo aad u shaqeynayey, inkastoo waqtiga hadda culeyska ahaa ciidanka aan mushaar la siin iyo dhaqaale xumo hadane dadaalkiisa aad baan ugu qanacsanaa, in qof inta laga qaado qof kalena loo dhiibo wax weyn ma ahan, waxaa ah in la bedalo jawiga, ciidanka tababarkiisa, wacyigelintiisa, mushaaraadka la bedalo, qeybo badan bay u baahan tahay in amniga lagu keeno” ayuu yiri Abukaate Maxamuud Cali.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii uga qaaday taliyahii ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed C/raxmaan Tuuryare.

Goobjoog New