U bood dhigaalka

Abukaate Ilka Xanaf Oo Ku Baaqay Dardar Gelinta Arrimaha Garsoorka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee maxkamadda sare ee dalka Abukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in garsoorka dalka u baahan yahay inuu helo madax banaani iyo dhaqaale ku filan.

Waxa uu sheegay Ilka Xanaf intii uu joogay xafiiska maxkamadda sare ee dalka ay soo gaareen kiisas badan balse si cadaalad ku dheehan tahay u gooyay.

Abuukaataha ayaa ugu baaqay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka in la horumariyo garsoor iyo cadaalad ay dadka u wada siman yihiin.

Ugu Dambeyn Guddoomiye hore Ilka Xanaf ayaa sheegay in dhaliilo badan loo jeediyo garsoorka balse ceebaha ugu weyn iyo dhaalalahaba ay u keentay dhaqaale xumo hayso.

“Waxaan u sheegayaa guddoomiyaha cusub in uu xajiro madax bannaanida Garsoorka, si kastaba aniga waan iska casilay xilkaan waan sheegay inaan shaqadii ka fariistay haatanna waan wareejinayaa, garsoorka ceebaha uu leeyahay ee laga sheegay iyo dhibaatada ugu weyn waa dhaqaale xumo” ayuu yiri Ilka Xanaf.

Hadalkaa ayuu Abukaate Cabdullaahi Caydiid Ilka Xanaf waxa uu ka sheegay munaasabaddii shalay ee uu ku wareejinayey xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Goobjoog News