U bood dhigaalka

Abuukaate Cali Xalane: Shirkado Sheeganaya Inay Leeyihiin Amiirro Ayaa Heshiisyo La Galayaan Maamul Gobaleed

Sheeko:Dalka

Abuukaate Cali Xalane ayaa sheegay in hishiisyada Maamul Gobolleedyada qaar ay la gaareen dowlaada Imaaraadka Carabta  ay tahay mid  sharci darro ah  oo isagoo intaas ku daray in heshiisyada ay gaari karto kaliya dowladda Soomaaliya.

Abuu kaate Xalane ayaa waxa uu ku tilmaamay tallaabada guracan oo ay waddo dowlaada Imaaraadka Carabta inay meel ka dhac ay ku tahay qarannimadda Soomaaliya, Imaaraadkuna uu ku tumanayo shacarciyada caalamiga ah.

Xalane ayaa tilmaamay in dowladda Imaaraadka ay Soomaaliya ay la gali karto heshiisyo waddanka dekadihiisa lagu ballaarinaayo,waxa uu sheegayn in shrkado gaar ah oo ay leeyihiin amiirada Imaaraadka ay heshiisyo si sharci darro ah ay ula saxiixanayaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

“Dowladda Emaaraadka iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya waa ay dhaxmari karaan heshiisyo caalami ah oo lagu hormarinaayo dalka laguna ballaarinayo dekadaha dalka, balse waxyaaba hadda nagu soo kordhay waxaa ka mida dad shaqsiyaad gaar ah oo shirkado ah oo sheeganayo inay leeyihiin amiirro ayaad waxaad arkaysaa inay heshiisyo la galayaan maamul gobaleed”.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay heshiisyo la gashay maamul goboleedyada Soomaaliland iyo Puntlad iyadoo dekadda Babera ay rabto inay ka sameysto saldhig millatari oo ay uga duusho waddanka Yeman,halka dekadda boosaasana ay rabto inay uga faa’ideysto dhanka ganacsiga.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya tallaabada qaldan oo ay ku dhaqmesyo dowladda Imaaraadka carabta wali kama hadlin,heshiisyadaa oo ay sheegaty Imaaraadka inay kala tashatay wadamada Maraykanka iyo Masar waxaana muuqaata inay Imaaraadka uu doonayo inuu meesha uu ka soo jiritaanka qarannimada Soomaali.

Goobjoog News