U bood dhigaalka

Abuukaate C/weli Oo Sheegay In Kismaayo Ay Ka Dhacday Doorasho Laaluush Badan Lagu Bixiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Mid kamid ah ergada wax ku dooranaysay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in doorashadii aqalka hoose uu hareeyay musuq baahsan.

Wuxuu sheegay in ergo ahaan iyagoo ku tagay magaalada Kismaayo loo diiday inay ka qeyb galaan doorashada oo musharrax kamid ah musharrixiintii uu awoodda dowladda isticmaalay.

Abuukaate Cabdiweli ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Kulmiye uu xildhibaan ku noqday awood dowladeed iyo musuq uu ku sameeyay ergada 51 xubnood ahayd ee wax dooranaysay.

“Aniga waxa aan Kismaayo u aaday inaan wax soo doorto, laakiin sidii ma dhicin oo ergada loo qeybiyo jufo jufo ayaa ka reer ahaan annaga ku heshiinay balse waxa dhacay in odayaashii la handaday waxaana sidaas sameeyay nin horey wasiir u ahaa iyo wasiirka gaadiidka Jubbaland, beelo kale oo sidaas oo kale buuq badan uu uga dhacay kuraastooda ayaa jiray ayuu yiri Cabdiweli Yuusuf.

Abuukaate Cabdiweli Yuusuf ayaa u sheegay Goobjoog News  in isagu uu ka marag kaci karo in ergada qaarkood la siinayay min labo kun oo dollar.

“Adeer aniga waan kuu sheegay ergonimadii aan aaday iima suurtagalin oo waa la boobay laakiin waxaan caddeymo ka heynaa oo aan ogahay in ergadii la xareystay la siiyay lacag iyo weliba guddiga doorashada, qof kasta oo ergada kamid ah waxaa la siiyay lacag dhan labo kun oo dollar subixii doorashada ay dhacaysay habeenkeedii iyadoo la dhaariyay dadkii” ayuu yiri Abuukaate Cabdiweli.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka iyo guddiga doorashada ay colaado ka dhex abuureen dad wada dhashay oo isku heyb ah, islamarkaana haddii ay sidaas ay dhacayso in dowladdu ay waqti isgaa darsato maadaama doorashada dhacday aysan wax macno ah lahayn.

“Annaga ninka kursiga loo xoogey wuxuu ku doodi jirey oo hotellada Kismaayo ka sheegi jirey in maamulka federaalka ee hadda jira in uu wato wayna dhacday sidaasi” ayuu yiri Cabdiweli Yuusuf.

Doorashada aqalka hoose ee magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa hareeyay khilaafyo, cabasho iyo isqabqabsi ka dhex taagan siyaasiyiinta, ergada beelaha iyo guddiyada doorashada heer gobol iyo heer federaalba.

Goobjoog News