U bood dhigaalka

Abuukaate Daahir Carab “Farmaajo Sharci ahaan maanta wixii ka dambeeya waxaa loogu yeerayaa Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday, Mana qaban karo Awoodihii uu Dastuurku siinaayay”.

Sheeko:Amniga

Abuukaate Daahir Carab oo ka mid ah sharci yaqanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caawa wixii ka danbeya sharciga uu sheegaya in madaxweeynaha uu waqtigiisa dastuuriga ah dhamaaday.

Carab ayaa sheegay in mudda xileedka madaxweeynaha , Baarlamaanka iyo dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ay ku xusan tahay Dastuur KGM soomaaliya, isagoo sheegay in aysan jirin cid u kordhinkarta baarlamaanka ama madaxweeynaha .

“Marka ay dhamaato Mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ma jirto cid u kordhin karta ama ha noqdo Baarlamaanka ama Ha noqdo Madaxweeynaha ,  Awoodda iyo mudda xileedka Aalaba waxa ay ku xusan yihiin amaba lagu xusaa dastuurka Federaalka KGM ah ”

“Mudda xileed uusan dastuurka bixin baarlamaanka ma bixin karo cid kaletana ma bixin karto ,haddii baarlamaanku uu yiraahdo anagaa kororsanay arintaas waxeey ka hor imaaneysa dastuurka Federaalka KGM, haddii ay dhahaan madaxweeynaha anagaa u kordhinay iyadana waxeey ka hor imaaneysa dastuurka Federaalka KGM “.

Daahir Carab ayaa sidoo kale  yiri   “Farmaajo Sharci ahaan maanta wixii ka dambeeya waxaa loogu yeerayaa Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday, Mana qaban karo Awoodihii uu Dastuurku siinaayay”.

Si kastaba Kudladda Musharaxiinta madaxweynaha ee dhax-dhaxaadka ah, ayaa  ugu baaqeen in caawa Lixda saac kadib talada dalka Uula wareego Gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigoodu dhacay Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman .