U bood dhigaalka

Abuur loo qeybiyay qaar ka mid ah Beeralayda gobalka Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaarada Beeraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ka bilowday qaybinta miraha abuurka oo ay aad ugu baahnaayeen dadka halkaasi ku nool.

U qaybsanaha Wasaaradaasi Degmada Afgooye Cabduqaadir Aw-Gaab ayaa sheegay in qaybinta abaarkan ka danbeysay, markii cabasho arintaasi ku saabsan ay ka heleen beeralayda Degmooyinka Gobolkaasi ku sugan.

Aw-gaab ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in abuurkaan ay qeybiyeen uu kala yahay Masago (Moordi) iyo Digir, waxaan uu sheegay in ay gaarsiin doonaan deegaan walba oo gobalkaasi ka mid ah.

Waxa uu sheegay in wali ay jiraan baahiyo ay qabaan Beeralayda Degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay u baahan yihiin in gacan ay helaan.

Qaar ka mid ah dadkii helay abuurkaan ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’idi doonaan, waxaana wasaaradda ay ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan dadaalada sidaan oo kale ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News