U bood dhigaalka

Abwaan Cali Sugalle Oo Ku Geeriyooday Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariisteen waxaa dalka Imaraadka Carabta ku geeriyooday Abwaan Cali Sugulle oo ka mid ahaa abwaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu caansan.

Abwaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay la xaqiijiyay in dalkaasi uu ku xanuunsanayay, isaga oo ugu dambeyn geeriyooday.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sugulle.

Abwaan Cali Sugulle waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne sanadka markii uu ahaa 1936-kii, waxaana waxbarasho uu ka billaabay Dugsiga hoose ee Berbera isaga oo kadib u wareegay dugsiga Sheekh.

Abwaanka Allaha u naxaristee waxa uu horay u allifay heeso badan oo wadani ah, waxaana uu ka qeybqaatay wacyi gelinta Bulshada Soomaaliyeed.

Goobjoog News